Dhan-qalal / Faalig (Stroke) – Cudur Halis Ah.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Faaliggu waa xanuun aad iyo aad u halis badan  waxa uu cadayn u yahay  caafimaad darro maskaxda ku timid.

 taasoo ka timi dhiigbax dhexdeeda ka dhacay ama dhiig la’aan daran oo ku dhacday qayb ka tirsan maskaxda, halkaana waxaa si gaaban ama si jooogto ah u joogsatada shaqadii ay qaybtaasi qaban jirtay. Faaliggu waa dhacdo dhakhso u timaada oo, si muddo gaaban ah ama joogto ah, qas u galisa habka maskaxdu u shaqeyso.

Faaliggu waxay ku kala duwanaan karaan darnaanta taasoo noqon karta tamar-dari muruq oo jirta muddo gaaban ilaa dhibaato sii daran oo keeni karta geeri. Faaliggu waa sababta saddexaad ee ugu tirada badan sababaha geerida keena gudaha wadamada horumaray. Waxay badanaa ku dhacaan dadka da’da weyn laakiin hal nooc (subarachnoid haemorrhage) ayaa ku dhaca dadka da’da yar. 

Dhacdooyinka faaliggu waa 1 qof shantii boqol (500) ee qof. Waxaa jira laba nooc guud oo ah faalig:

  • A-Dhiig-bax maskaxda ah (cerebral haemorrhage): oo ah dhiig-bax ah gudaha ama agagaarka maskaxda.
  • B-Xinjir-sameysan maskaxda ah (cerebral thrombosis): oo ah marka ay xididada dhiigga ee maskaxdu ay gufeysmaan, taasoo badanaa ka timaada xinjir dhiig.

Dhiig-baxa maskaxda ah ayaa badanaa labada sii culus waana ka keena geeri badan oo aan la filaynin. Faaligga waxaa badanaa ogeysiis u ah nooc ah weeraro muddo gaaban oo ah dhiig-yaraan ku dhacday xubin jidh (transient ischaemic attacks) (TIAs), kuwaasoo loo yaqaano `faaligyo yaryar’. Kuwaa waa inaan marna la iska iloobin.

CALAAMADAHA XANUUNKA.

  • Adimada laba adin ayaan shaqaynayn.
  • Degenaanshiyo la’aan.
  • Cadaadiska dhiigga oo sareeya.
  • Xumad.
  • Madax –xanuun.
  • Gariir.
  • Gacmaha oo qaloocsama.
  • Wajiga oo so urura.
  • Afka oo qaloocda.
  • Wakhti dheer ayaa uu qofku ujiifaya xiliga uu  ku dhufto micnaha xaaladiisa caadiga ahayd kuma noqonayo markaba.

MAXA LAGU OGAADA FAALIGGA.

Astamaha kor kusoo xusanay waa astaamo lagu garan karo faaligga .

Waxa calaamadahaa dheer in sawir (CT SCAN) madaxa ah laso saaro si loo ogaado labada xaaladood ee faaligga kuu yahay..

MAXAA SABABA XANUUNKAA FAALIGGA.

Sababta ugu weyn ee keenta faaligga waa cudurka halbowleyaasha, gaar ahaan gufeysanka halbowleyaasha (atherosclerosis) (lakabyo dufan ah oo ku sameysma gidaarka xidid dhiig). Faaligga intiisa badan waxaa sababa halbowle soo yaraadaa, xinjir dhiig (thrombosis), ama dhaawac jidheed oo gaadha qayb maskaxda ah iyadoo sababtu tahay dhiig-bax gudaha ama dibadda ah. Dhiig-baxa ah gudaha maskaxdu waxa uu caadi ahaan ka yimaadaa dilaac ku dhaca halbowle yar kaasoo ah mid dhaawacmay oo uu dafiiciyay gufeysan (atherosclerosis), ka dibna waxa uu la dilaacaa cadaadiska dhiigga ee sareeya. Cadaadiska dhiigga ee sareeya ama dhiig-karku waxa uu keeni karaa gufeysan halbowle (atherosclerosis) waana sababta ugu weyn ee keenta faaligga. Dhiig-baxu waxa uu ka dhici karaa meel kasta oo ah maskaxda, calaamaduhunu waxay hadba ku xidhan yihiin meesha uu ka dhacay. Saameyntu ama waxyeeladu waxay aad uga muuqataa qaybaha maskaxda ee shaqo ku leh dhaqaaqa, dareenka, hadalka iyo aragga, oo ku yaalla meelo isku dhaw. Dhiig-bax ka dhaca qaybta hoose ee maskaxda (jiridda maskaxda) aad buu khatar u yahay sababta oo ah waxa uu saameeyaa hawlaha lagama-maarmaan u ah jidhka sida neefsashada iyo garaaca wadnaha. Bararo yaryar oo kuuskuus ah (aneurysms) oo ku sameysama halbowleyaasha ka hooseeya maskaxda ayaa sabab u noqda faalig ku dhaca dadka da’da yar.
Gureysan xidid maskaxeed (cerebral thrombosis), ama gufeysan yar (minor embolism) (oo ah marka qayb yar oo ah dhiig ama dufan uu gufeeyo xidid dhiig) waxa uu keeni karaa saameyn ama waxyeellooyin u eeg kuwa uu keeno dhiig-baxa maskaxdu laakiin caadi ahaan wuu ka waxyeelo yar yahay, ka-ladnaantiisu way ka suurogal fiican tahay. Faaligga ka yimaada gufeysan xidid dhiig (thrombosis) ama gufeysan yar oo soo noqnoqday ayaa ku dhici kara dad leh gufeysan (atherosclerosis) halbowle qoorta ah ama laamihiisa, ama dadka leh albaabo wadne (valves) oo cudur qaba cudur wadne kuwaasoo ay ku sameysmeen xinjiro dhiig oo yaryar, ka dibna inta ay go’aan dhiiggu uu u qaado xagga sare iyo maskaxda. 

KA HORTAGGA XANUUNKA FAALIGA.

Habka ugu fiican ee lagu yareyn karo halista faaligga waa adiga oo yeesha hab nololeed caafimaad leh, oo leh cunto fiican, miisaan xakameyn, jimicsi joogto ah, iyo cadaadiska dhiigga oo si joogta ah loo cabbiro. Waxaa muhiim ah inaadan sigaar cabbin. Sigaar-cabka waxaa ku sii badan halbowle gufeysanka (atherosclerosis) marka la barbardhigo sigaar-ma-cabbeyaasha. Waxaa taa lagu muujiyay baadhitaano geeri ka dib oo badan. Sigaar-cabbistu waxay kordhisa garaaca wadnaha waxaana ay sare u qaadaa cadaadiska dhiigga, labadaa oo ah sababo lala xidhiidhiyay halbowle gufeysanka (atherosclerosis). Cadaadiska dhiigga ee sarreeya waxa uu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn sababaha faaligga. Sigaar-cabbistu waxay kordhisaa isku-dhagdhaga qurubyada unugyada qaarkood ee ku jira dhiigga, kuwaasoo la yidhaahdo balaataletyo (platelets). Waxay kuwaasi lagama-maarmaan u yihiin xinjirowga, waxaana dhacaysa in isku-dhagdhagga kordhay uu si hubaal ah u kordhinayo halista xinjir ku-sameysanta halbowle wadne (Thrombosis). Neefta kaarboon hal oksaydh (carbon monoxide) ee aad la nuugtid qiiqa sigaarka waxay si weyn u yareysaa awoodda uu dhiiggu ku qaadi karo oksijiinta loo wado jidhka dhamaantii. Dadka halis sare u ah xinjiro dhiig oo sameysma waxaa lagula talinayaa inay qaataan daawooyinka sida asbiriin ama warfarin oo yareeya suurogalka in taasi dhacdo halkaana waxay ku yareeyaan halista faaligga.
Dadka uu u dhaco dhafoor-xanuun (migraine) waxay halis dheeraad ah u yihiin faaligga. Dhafoor-xanuunku (migraine) waxa uu badanaa ku sii daran yahay dumarka, waxaana lala xidhiidhiyay heerarka isbeddelaya ee hormoonka la yidhaahdo estaroojen (oestrogen). Haddii aad leedahay dhafoor-xanuun daran oo leh calaamado dhib maskaxeed (neurological) (dhafoor-xanuunka caanka ah), qaadasha kiniinka lidka uurka ee isku-darka ah (combined contraceptive pill) waxa uu dhafoor-xanuunka (migraine) ka dhigi karaa mid sii daran waxaana uu kordhin karaa halista faaligga. Calaamadaha dhib maskaxeed (neurological) waxaa ka mid ah dhibaatooyin ah xagga hadalka iyo aragga, iyo kabuubyo ama jidhidhico ku dhacday adin ama hal dhinac oo ah jidhka. Haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadahaa, waa inaad ka fiirsatid inaad u beddelatid kiniin ah kaliya `progesterone’. 

DAAWAYNTA XANUUNKA FAALIGA.

Daawaynta xanuunka faaligga waxa talo iyo qorisba kuleh dhakhtar ku takhasuusay .