Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Qaxwaha/bunku waa laba cabitaan oo aad ula xidhiidha dhaqankeena iyo hawl-maalmeedkeena.
Ilkaheena waxa badanaa ku hadha midabka iyo huubaha qaxwaha ama bunka, taasna uma wanaagsana caafimaadka ilkaha.
Haddii aan sifiican loo nadiifin waxa aad u kordha xanuun dhaliyeyaasha sida dabiiciga ah afka ugu nool sida streptococci .
Bakteriyadu ilkaha waxa ay kusiidaysaa sun jilcisa adkaanshiyaha iliga ,kadib uu dalooshamaa sifudud ayuu marka suusku u bilowdaa.
QODOBADA AAD ILKAHAAGA SI DABIICI AH UGU NADIIFIN KARTID WAXA KA MID AH :-
- QOLOFTA MUUSKA.
Aroor walba qolofta muuska waa aynu tuurnaa laakiin faaiido badan oo ilkuhu ay ka helaan ayaa jirta oo ah in ilkaha ay caddayso ,nadiifiso wixii nadiif aan ahayna meesha ka saarta .
Maalintii 3–5 min ku nadiifi ilkahaaga waxbadan ayaad iskaga garan doontaa.
Marka aad isticmaashid qalka muuska qaybtiisa caddaank ah kadib afkaaga nadiifi ,joogtee.
- MILIXDA.
Milixdu waa maaddooyinka ugu badan ee guri kasta laga heli karo. Waxaad isticmaali kartaa milix kaligaa ama budada dhuxusha. milixdu waxay ku siinaysaa ilko cad cad waxayna kaa caawinaysaa inaad soo celiso macdantii luntay. milixdu waxay meesha ka saartaa wasakh kasta, hadday tahay huruud ama bunni, ilkahaagiina waxa ay noqonayaan qaar nadiif ah.
- QOLOFTA LIINTA.
Qolofta liin-macaanta waxa ku jira vitamin c badan iyo macdano ay ka mid tahay calcium oo aad muhiim u ah bad-qabka caafimaadka ilkaha.
Waxa aad samayn kartaa liinta galkeeda in aad qalajiso adiga oo qorraxda u dhigaya ,marka ay qalayl noqoto in aad shiidid si ay kuugu noqoto daqiiq oo kale ,kadib isticmaal usbuucii laba jeer madowga iyo wasakhda badan ee ilkaha ku jirta iyo madowga bunku sababay way ka bixi doonaan .
DHUXUSHA.
Dhuxusha warashadaysan ee loogu talo galay cadayga ilkaha waxa ay ka saraysaa meesha midabka uu sababay kafeegu ilkuhuna waxa ay noqdaan qaar nadiif ah .
CUNIDDA IYO ISTICMAALKA KHUDAARTA.
Dhakhaatiirta cuntadu waxa ay aad inagula taliyaan in aynu cuntadeena maalin-laha aynu la qaadano khudaar .
Cananiska iyo strawberygu waxa ay ka qaybqaataan ilaalinta iyo illiga in ay ka hortagaan bakteeriyadu ay wax yeesho.
Ilakaha waxa ay khudaartu ay siisaa nadaafad iyo in ay ka hortagto wax walba oo bedela midabka ilkaha sida qaxwaha/bunka.
SIDEE AYAAD UGA HORTAGI KARTAA ILKAHA MIDABKOODA IN AANU BADALIN QAXWUHU/BUNKU.
- Bunka marka aad isticmaashid isticmaal caday.
- Biyo kugu filan cab.
- Isticmaal bun ay ku yartahay maaadada coffein.
- Ka cadayo.
- Isticmaal daawooyinka ilkaha lagu cadaydo ee caddeeya.
Hadday ilkahaaga midabkoodu sidan isku bedeli waayo ,waa in la maydhaa oo aad u tagtaa dhakhtarka ilkaha.
Hubi badqabka ilkahaaga sanadkiiba 5 jeer maadaama xaalado badan oo cadow ku ah caafimaadka qofka ay soo bexeen.