BUSBUSKA DAANYEERKA!!!!

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

XANUUN CUSUB OO KA DILAACAY 12 WADAN OO ADUUNKA AH.

Monkeypox waxa keena fayras(virus) loo yaqaano Orthopoxvirus / variola virus waa virus fudud oo ku dulnool daanyeerka ,kaas oo ibnu-adamka ku keeni kara xaalado caafimaad darro oo aad u baahsan .

waxa uu qofku calaamad ku yeeshaa 1–2 usbuuc sidoo kalena xanuunka jidhkiisu uu kaga bixi karaa wakhtigaa.

illaa hadda waxa lasoo sheegayaa in la helaay 80 qof oo uu xanuunku uu ku dhacay .

CALAAMADAHA LAGU GARTO BUSBUSKA DAANYEERKA.

  • Madax-xanuun daran.
  • Qandho ka badan 38 degree.
  • Qanjidhada oo barara.
  • Muruq-xanuun.
  • Dhabar-xanuun.
  • Finan jidhka oo dhan ah sida hablo-baasta.
  • Finan boogo waaweyn oo dheecaan leh .

waxa ay isku mid yihiin xauunka furuqa oo aduunka laga dabar-jaray.

WHO oo ah ururka caafimaadka aduunku waxa ay soo bandhigayaan in tallaalkii furuqa dadkii qaatay ay ka badbaadi karaan oo aan saamayn badan aanu ku yeelaayn maadama difaac hore ay sii haystaan.

SIDEE AYAA LOO KALE QAADAA BUSBUKA DAANYEERKA?

Waxa lagu kale qaadaa hawada , taabashada iyo dareeraha qofka bukaanka hadii uu kusoo gaadho.

KA HORTAG.

Ka hortag waxa u ah talaalka ,hadda waxa lasoo saarayaa tallaalo badan si loo xakameeyo xanuunka.

Dadkii qaatay tallaalkii furuqa waxbadan ayuu u tarayaa.

Fadlan xidho mask iyo gloves hadaad la tacaalaysid qof xanuunka qaba.

HADAAD LA KULANKTO QOF LEH CALAAMADAHA XANUUNKAN FADLAN LA XIDHIIDH DHAKHTARKA KUUGU DHOW .