Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Dhiikarka ku dhaca hooyada inta uurka ay siddo ayaa loo yaqaan gestational hypertention.
Cadaadiska dhiigga oo laga rabo caadi ahaan 120MM/HG ayaa noqonaya mid ka sarreeya inta caadiga ah.
Waxa uu ku dhacaa 6% kiiba dumarka uurka leh , haddii ay hooyadu uurka ka hor ay yeelato xanuunka dhiikarka waa mid ka duwan oo xaalad aan uurka ahayn ay kukeento tusaale ahaan in ay ka dhaxasho waalidkeed.
Dhiikarka uurka hooyada uurka leh waxa uu ku keenaa in cadaadiska dhiiggu uu degi waayo uu ka sarreeyo 120/80mm/hg ,badanaa waxa uu ku dhacaa dumarka uurka koobaad/ilmaha koobaad.
Laba xaaladood ayaa lagu ogaadaa dhiikarka uurka :-
- Cadaadiska dhiigga oo ka sareeya 120/80mm/hg .
- Kaadida oo laga helo barootiin.
Xaaladda eclapsia iyo pre-eclapsia waa laba xaaladood oo lala xidhiidhiyo cadaadiska dhiigga oo sarreeya preeclampsia– kaliya cadaadiska dhiigga ayaa sarreeya sidoo kale kaadidana barootiin(protein) badan ayaa kaadida soo raacaya.
Eclampsia- cadaadiska dhiigu uu saraynayaa,kaadidana barootin(protein) badan ayaa kaadida soo raacaya sidoo kale hooyadu waxa ay yeelanaysaa gariir dhinac ah (gacanta ,lug iyo madax oo dhinac ah).
Cadaadiska dhiigga oo sarreeya, waxaa kor u kacaya caabbinta xididdada dhiigga.
Tani waxay caqabad ku noqon kartaa socodka dhiigga ee habab badan oo kala duwan oo xubnaha jirka hooyada uurka leh sida beerka, kelyaha, maskaxda, ilmo-galeenka, iyo mandheerta. Waxaa jira dhibaatooyin kale oo laga yaabo inay ka dhashaan dhiig-karka uurka ee daran (akhrinta cadaadiska dhiigga ee ka sarreeya 160/110 mm Hg).
Nabarrada mandheerta (oo ay mandheerta ka go’do ilmo-galeenka) ayaa laga yaabaa inay ku dhacdo uurka qaarkood. Dhiig karka uurka waxa kale oo uu u horseedi karaa dhibaatooyin uurjiifka ah oo ay ku jiraan xaddidaadda korriinka intrauterine (koritaanka uurjiifka oo liita) iyo dhalashada. Haddii aan la daaweyn, dhiig-karka uurka ee daran wuxuu keeni karaa qalal halis ah (eclampsia) iyo xitaa dhimasho hooyada iyo uurjiifka. Khatarahan dartood, waxa laga yaabaa inay lama huraan u noqoto in ilmaha wakhti hore la dhasho, ka hor 37 toddobaad uurka.
MAXAA KEENA DHIIKARKA UURKA?
- Hooyada oo dhiikar lahayd.
- Xanuunada kelyaha.
- Macaanka.
- Dhiikarka uurka hadday hore ugu yeelatay uurkii hore.
- Hooyada oo ka yar 20 sanno ,hooyada oo ka weyn 40 sanno.
- Uur jiifka oo ka badan laba(mataano iyo caruurka badan).
CALAAMADAHA XANUUNKA.
– Cadaadiska dhiigga oo sarreeya.
– kaadida oo laga helo barootiin.
– Barar cagaha .
– Miisaan saaid ah.
– Aragtida indhaha oo isbedela.
– Mantag iyo yalaalugo.
– Kaar uurkujirta xaga sare.
– xaddiga kaadida oo yar.
– Beerka iyo kelyaha oo shaqadooda waxiska bedelaan.
SIDEE LOO SHAYBAADHA?
– Cadaadiska dhiigga oo la cabiro.
– Bararka oo la qiimeeyo.
– Miisaanka oo la cabiro.
– Shaybaadh beerka iyo kelyaha ah.
– Xinjirowga dhiigga oo la cabiro.
Xaaladdan dhamman shaybaadhadu way wada kacsanyihiin sababtuna waa saameynta cadaadiska dhiigga oo sarreeya.
HOOYADU INTA AY UURKA LEEDAHAY WAXA LA GUDBOON. -Cabirka cadaadiska dhiigg. Haddii ay hooyadu isku aragto in cadaadiska dhiiggeedu uu sarrreeyo waxa muhiim ah in xilli hore ay aaddo dhakhtarka si dhib-badan aanu u gaysan cadaadiska dhiiggu.