Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
VITAMIN C
Waa mid kamid ah vitamin-nada ugu baahi badanahay ee jidhkeenu uu ubaahan yahay.
Maqaalkan waxa aynu kaga hadli doonaah muhiimada uu inoo leeyahay vitamin c (fiitamiin c),dhibaatooyinka laga dhaxli karo hadii qofka uu ka yaraado iyo xanuunada lagu arko qofka uu ka yaryahay fiitamiin c.
Biyaha uu ku milmaa waxa ayna ka caawinaysaa in si fudud melaha looga bahanyahay ama baahiyaha jidhka si fudud loo isticmaali karo.
Faaiidooyinka vitamin c(fiitamiin c).
Waxa uu muhiim u yahay lafaha ,jidhka iyo ilkaha.
Durayga iyo xanuunada kale duwan marka qofka loo qoro waxa muhiim ah in loo raaciyo fiitamiinka si awoodisa naf ahaaneed iyo habkiisa difaacaba uu kor ugu qaadoh.
Samaynta barootiinada(protein) fiitamiin-kani waxa uu u yahay lagama maarmaan,sidoo kale waxa lagama maarmaan uu u yahay xiliga la burburinayo barootiinada.
Unugyada jiljilicsan koritaankooda waxa lagama maarmaan u ah fiitamiin c.
Nabaradda iyo dhaawacyada jidhka soo gaadha si jidhku uu u koro waxa muhiim u ah fiitamiin c.
Xanuunada wadnaha,werwerka,kansarka iyo xanuunada jiitama waxa lagu xaqiijiyey cilmi badhis 2014 soo baxday in fiitamiin c(vitamin c)ka hortago sababtuna ay tahay waxa uu kor u qaada habka difaaca jidhka.
Fiitamiin c waxa uu ka qayb qaataa kor u qaadida in cuntada iyo nafaqada kale duwan laga dhex nuugo maadada iron oo faaiidadeedu ay tahay qaab dhismeedka unugyada cas cas ee dhiiga.
INTEE IN LEEG AYAA UU QAADAN KARAA MAALINTII QOFKU?
Maadama fiitamiin c uu yaaiido badan leeyahay qofka weyni waxa uu qaadan karaa 60——-90mg oo fiitamin c ah.
Caruurta yar yari waxa ay qaadan karaan cabir ah 25 mg maalintii.
HADII AAD QAADATID FIITAMIIN C XADDI BADAN WAX DHIB AH MAKALA KULMI KARAA?
Xaddi kabadan inta maalintii qofku uu qaato waxa ka badan ma haboona .
Dadkeenu marka ay ibsanayaan fiitamiin c waxa ay qaatan bushqad ku jiran ugu yaraan 10 xabo .
Ma ogtahay in halka xabo ee vitamin c ah ay udhiganto 100 mg .
Halka xabo ee kiniinka ah waxa uu udhigmaa inta malintii aad u bahantahay.
DHIBAATOOYINKA KA DHALAN KARTA BADSASHADA FIITAMIN C.
Haa waa ay ka dhalan kartaa qofka badsada waxaa lagu arki karaah astaamahan :-
- Shuban.
- Laab-dilaac.
- Mantag.
- Hurdo la’aan.
- Cod ama guux mindhicirada ah.
HALKEE LAGA HELAA FIITAMIN C.
Fiitamiin c waxa lagu heli karaa saddex xaaladood khudaarta cagaaran, furuutis ka iyo isaga oo diyaarsan oo daawo ah.
SHAQOOYINKA UU JIDHAKA UU UQABTOH FIITAMIN C.
- Ka hortaga in xanuunku uu sii dheeraado.
- Awood siin iyo koritaan ka jidhka.
- Habka difaaca oo uu kor uqaado.
- Nabarada oo uu hore ubogsiiyo.
- Ka qayb qaadashada koritaanka lafaha,carjawaha iyo kale gooysyada jidhka.
- Awood siinta ciridka.
- Cidiyaha iyo quruxdooda.
CALAAMADAHA QOFKA UU KA YARYAHAY FIITAMIN C.
- lafaha oo jilicsanaada .
- cirid dhiig.
- Lafo xanuun.
- Nabarada jidhka oo ku bata bogsigooduna uu sii raago.
- Xanuunada oo qofka ku badan sababtuna ay tahay habka difaaca oo hooseeya.
- Muuqaalka jidhka oo is bedela.
- Ilkaha oo data.
QOFKA UU KA YARYAHAY FIITAMIIN C MAXA LOO QABAN KARA.
Waxa loo qaban karaa in vitamin c loo qoro ama la siiyo .
Waxa qori kara dhakhtar ama daawo yaqaan .
TALO ….
Ha isticmaalin fiitamiin c aanu dhakhtar kuu qorin adigoo ka dayeya awood ama si kale oo sharciga ka baxsan u isticmaalaya.
Isticmaal khudaarta kale gadisan .
Ilamaha yar hasiin fiitamin c aanu qaadi Karin kale tasho dhakhtar ama daawo yaqan.
hadii aad suaal iyo talo bixin ubaahantahay hoos noogu reeb.
suaal???????