Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Fiitamin-D waa fiitamiinada muhiim ka ah ee jidhkeenu marwalba uu u baahan yahay.
Jidhkeenu waxa uu ka dhigaa fiitamin-D(calceferol) mid shaqaynaya oo jidhka wax u taraya marka jidhku uu helo cad-ceed ku filan .
Xadiga fiitamin-D ee jidhkaagu si uu u fiicnaado waxa ay ku xidhantahay qodobo badan sida wakhtiga cadceeda socotid, cuntada aad qaadatid , wakhtiga iyo midabka jidhka.
Xadiga laga rabo ee fiitamin D waa inuu u dhaxeeyo 30–100mg/dl .
Xadiga fiitamin-d marka uu sarreeyo waxa kor u kaca xadiga calciumta.
CALAAMADEHEE AYAA LAGU GARTAA IN FIITAMIN-D KAAGU IN UU SAREEYO?
xadiga calciumtu marka ay saraysanto waxa muhiim ah in caliumta waxa kicinayaa uu yahay xadiga fiitamin-D in uu sareeyo .
- Yalaalugo joogto ah.
- Mantag.
- Awood la’aan.
- Kaadi-badan .
- Kelyo-xanuun.
- Lafo-xanuun.
waxa ugu badan ee ku keenay waxa weeyi calcium-ta uu xaddigeedu uu batay.
Waxayaabaha ugu badan ee qofka ku badin kara fiitamin-d waa qofka oo qaata xaddi fiitamin D maalin walba .
Xaddiga fiitamin-d hadii uu ka bato 16,000I/U muddooyin bilo ah oo xidhiidh ah qofkaas waxa uu halis ugu jiraa in uu ku sumoobo fiitamin-D.
Xalka kaliya ee loo hayaa xaaladan waa :-
- In uu qofku uujoojiyo fiitamin D uu qaadanayey.
- Maadaama vitaminD marka uu ku bato jidhka sido kale ay badanayso maadada calcium waxa muhiim ah in qofku sidoo kale uu joojiyo calcium-ta.
HADDII AAD DAREENTID CALAAMADAHAN FADLAN WAA MUHIIM IN AAD DHAKHTAR AAD LA XIDHIIDHID .