MARBURG VIRUS .

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Marburg virus waa xanuun aad u daran xumad ,xubnayaasha indhaha ,afka ,dhegaha iyo xaga danbe uu qofku uu ka keenayo dhiig.

Waxa uu fayrusku uu ku dul noolyahay fiidmaarta si caadi ah ,dadka waxa uu ugu soo gudbayaa marka ay quutaan cuntooyinka dhirta oo badanaa fiidmaartu ku dhex-nooshahay ama ay quudanayso.

Dadka u dhinta xumaddan dhiigga wadata waa 88%,fayraska waxa ay isku qoys-yihiin fayruska keena xanuunka ebola.

waxa uu u faafaa si dhakhso leh ,waxa lagu kale qaadaa taabasho toos ah tusaale gogosha ,salaanta iyo taabashada tooska ah iyo ta aan tooska ahayn oo lala yeesho qof xanuunka qaba.

xanuunkan waxa aad ka qaadaysaa qofka xanuunka qaba hadii dareeraha jidhkiisu uu ku soo gaadho .

WAKHTIGA UU JIDHKA KU JIRO.

Waxa uu ku jiraa ama calaamadaha uu ku muujin karaa fayrusku 2–21 cisho.

CALAAMADAHA LAGU GARTO MARBURG VIRUS.

  • Qamdho/Xumad aad usaraysa.
  • Muruq xanuun saaid ah.
  • Daal badan .
  • Shuban aad u daran .
  • Kaar uurku jirta ah .
  • Mantag iyo yalaalugo.
  • Dhiig kasoo baxa indhaha ,sanka ,dhagaha iyo dabada.

KA HORTAGGA MARBURG VIRUS.

  • Ka fogow dareeraha bukaanka sida candhuufta ,dhiigga iyo goobaha qofkaasi uu taabto waayo meel walba oo uu taabto/seexdo waxa uu kaga tagayaa fayruska.

DAAWEYN.

  • Qofka bukaanka ah waxa loo samaynayaa fuuq-cellin ,daaweyn iyo qofka oo lala tacaalo.

fadlan dhakhtar la xidhiidh hadaa calaamadaha aad dareentid.

Aad uga taxadir xanuunkan hadaa ku nooshahay wadanka GHANA oo hadda xaqiijisay 2 qof ee ugu horeeyey.