7-CUNTO OO KAA YARAYNAYA ISKUBUUQA/WALAACA BADAN .

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Isku-buuqa iyo fikirka badan waa mid ka mid ah xanuunada sababa xanuunada jiitama sida macaanka iyo dhiikarka.

Fikirka badan waxa uu bedeli karaa hab-nololeedkaaga ,kaas oo saamayn badan ku leh noloshaada iyo qorshayaashaada.

Xilliyada kale duwan ee culayska badan maskaxda uu saaran yahay waxa loo baahanyahay in aad la tacaashid si hawshaa naftaada haysataa ayna kuu saameyn.

7-cunto oo aad isticmaali kartid xilliyada culaysyadu ku saaran yihiin ama iskubuuq maskaxeed uu jiro waxa ka mid ah:-

  • SHAAX.

Shaaxu waxa uu jidhkeena siiyaa awood ,firfircooni iyo diirimaad.

Shaahu waa dhadhan wadaha cuntooyinka badanaa aynu cunno xiliyada subaxdi iyo habeenki ,dhadhankaas waxa uu hoos u dhigayaa heerka isku buuq/walaac ee aynu wajahno, diirimaadka shaaxa jidhka sidoo kale waxa uu ka helaa dareen nafsaaniya oo degenaanshiyo leh dhamman hoormoonadi kacsanaa ee fikirka badan sababay hoos ayey u dhacayaan.

  • CHOCALATE-TADA MADOW.

Shukulaatada madow ee cuntada ku jirta waxay u dhimi kartaa walbahaarka laba siyaabood – iyada oo loo marayo saamaynta kiimikada iyo saamaynta shucuureed. Shukulaatada waxa ay dareema in ay tahay daweyn dhab ah oo si fudud loogu dhadhamiyo qayb ka mid ah, dareenkaas oo kali ah ayaa kaa caawin kara in la yareeyo walbahaarka, ayuu yidhi Meyerowitz.

Shukulaatada madow, oo qani ku ah antioxidants, ayaa sidoo kale laga yaabaa inay caawiso dhimista cadaadiska hoos u dhigista heerarka hormoonnada walaaca ee jidhka, sida lagu sheegay daraasad,ka qaybgalayaasha oo cunay qiyaastii 1.5 wiqiyadood maalintii laba toddobaad. Laakiin iska hubi inaad ku raaxaysato shukulaatada madow si dhexdhexaad ah, ayuu ku taliyay Meyerowitz.

Taas macneheedu waxa weeye waa in aad higsanaysaa in aad cunto afar meelood meel meel shukulaato yar oo madow ah (qiyaastii 1). Sidoo kale, hubi in barku aanu ku jirin siyaado aan loo baahnayn oo sonkor lagu daray.

  • AVACADO.

Avacado waa cuntooyinka ugu nafaqada badan, Avocados kaliya maahan dhadhan macaan oo kaliya  ama la jarjaray oo lagu daray salad – waxay sidoo kale laga helaa  omega-3 fatty acids. Asiidhyadan muhiimka ah ee caafimaadka qaba waxaa loo yaqaanaa inay yareeyaan walbahaarka iyo welwelka, kor u qaadaan feejignaanta, oo ay wanaajiyaan niyadda, sida ay qabto Xarunta Qaranka ee Dhammaystirka iyo Isku-dhafka Caafimaadka.

  • KALLUUNKA.

Nafaqooyinka kujira kalluunka waxa ay ka hortagi karaan xanuunada iskubuuqa/walbahaarka sidoo kale xanuunada jiitama ee wadnaha .

Kalluunka waxa ku badan maadada loo yaqaan omega-3 oo aad uga caawisa wadnaha in ayna ku dhicin xanuunada wadnaha , sidoo kale omega-3 waxa ay hoos u dhigtaa hoormonada keena fikirka,walbahaarka iyo isku buuqa.

Beedka,cuntooyinka badda iyo lawska waxa laga helaa omeg-3 ,hadii ay macquul ay noqon waydo in aad isticmaashid waad isticmaali kartaa iyagaba.

  • CAANO DIIRRAN.

In la cabbo caano-diiran waa daawo-dhaqameed inbadan soo jirtay si loo helo hurdo raaxo badan .

Caanaha diirran waxay saameyn nasasho ku yeelan karaan jirka iyo sidoo kale heer nafsi ah. Dadka ku koray inay cabbaan caano diirran ka hor sariirta, habka caadiga ah wuxuu calaamad u noqon karaa in la joogo waqtigii la seexan lahaa.

Cuntooyinka hodanka ku ah kalsiyamku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah cuntada caafimaadka leh ee caafimaadka lafaha, laakiin nafaqadani waxay sidoo kale kaa caawin kartaa dhimista niyad-jabka, sida lagu sheegay daraasad la daabacay December 2012 ee joornaalka Cilmi-baarista iyo Dhaqanka Nafaqada. Caanaha iyo cuntooyinka kale ee caanaha leh ee leh kalsiyum iyo fitamiin D-ga lagu daray waxay kaa caawin karaan murqaha inay dejiyaan oo xasiliyaan niyadda – hal daraasad, oo lagu daabacay Janaayo 2017 joornaalka Dhakhaatiirta iyo Haweenka.

  • LAWSKA.

Lawsku waa cunto dux leh oo aad u nafaqo badan ,fiitaminada B- aad ayuu ugu badan yahay.

Meyerowitz oo ah aqoon yahan ku xeel dheer cuntada iyo nafaqadeeda ayaa sheegay in fiitamiinada B ay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah cuntada caafimaadka leh waxayna kaa caawin karaan dhimista walaaca.

Lawska waxa kujira magnesium badan ,magnesium waa maado hoos u dhigta heerka cabsida iyo werwerka.

  • LIIN-MACAANTA.

Daraasadaha qaarkood waxay ogaadeen in heerka sare ee fitamiin C uu kaa caawin karo yaraynta heerarka walbahaarka.

In maalintii uu qofku uu qaato 500mg oo ah vitamin c waxa ay ka hortagtaa heerka walaaca iyo isku buuqa ee qofka.

XAALADAHA UGU BADAN EE QOFKU UU DARSO XANUUNADA ISKU BUUQA/WALAACA IYO WALBAHAARKA WAXA KA MID AH ;-

  • Qilaafka qoysaska.
  • Shaqada oo badata.
  • Caruuraha xilliyada ugu badan ee ay werwerku uu ku bato waa xilliyada ay wajahayaan imtixaanada ,qilaafadka waalidka iyo waxbabrashada wakhtiyada badan ay ku noqnoqnayaan.
  • Dadka xanuunada la nool sida xanuunada lakale qaado HIV/AIDSKA , jabtida, xabbadda iyo waraabowga .
  • Kalinimada .
  • Amni-daradda .
  • Xanuunada jiitama sida macaanka ,dhiikarka ,kelyo xanuunka iyo xanuunada kusoo boodada ee qofka saamaynta ku leh.

Xaaladahan dhammaan way wada kacsanyihiin hoormonada jidhkeena sababtaas ayey ugu baahan yihiin in lala tacaalo oo cuntooyinkan iyo xaaladda jirta oo la xaliyo la isla garabsado .

Fadlan xaaladaha isku buuqa ,fekerka iyo walabahaarka dhammaantood waxa ay kuu horseedi karaan xanuunada jiitama sida macaanka ,dhiikarka ,wadne xanuunka iyo waali fadlan ka digtoonow oo xilli hore la tasho dhaktar.

MOHAMED IBRAHIM .

CCN/LT.