CANBE-BABAAYGA IYO CAAFIMAADKA .

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Babaaygu wuxuu ka mid yahay cuntooyinka ugu caafimaadka badan, iyadoo ay ka buuxaan nafaqo kala duwan. Wuxuu qani ku yahay fitamiinno iyo macdano ay ka mid yihiin fitaamiin C, fitamiin E, phosphorous, copper, potassium, iron, calcium, manganese iyo magnesium. Waa kaloo ku badan faybar, fitamiin A, bioflavonoids iyo maadooyinka sun-saarista.

Faa’idooyinka caafimaad ee laga helo babaayga:

Caafimaadka dheefshiidka.

Babaaygu waxa uu daawo u yahay laabjeexa, isagoo yareeya aashitada caloosha, maadada faybar ee ku jirta babaayga waxay ka hortagtaa calool istaagga. Cunista baabayga oo laga joogteeyo waxay gacan ka gaysataa sun-saarista dheefshiidka, calooshana way jilcisaa.

Burburinta barootiinnada.

Babaayga oo maalin kasta la cuno waxay caawisaa in jirku si fudud u nuugo barootiinnada uu cuntada kale helo sababtuna waa dheecaan burburiyaha “papain” ee babaayga ku jira.

Babaaygu wuxuu ka mid yahay cuntooyinka difaaca jirka kor u qaada, waxaa ku jiro fitamiin C oo xoojiya awoodda difaaca jirka, kana hortagga koritaanka infekshannada. Cunista babaayga oo la joogteeyo waxay ka hortagtaa bakteeriyada iyo fayraasyada keena hargabka iyo ifilada.

Aragga indhaha:

Babaaygu wuxuu uroon yahay caafimaadka indhaha, waxaa laga helaa fitamiin A iyo maadada beta-carotene oo kordhiya awoodda aragga iyo caafimaadka indhaha, islamarkaana ka hortagga halista caadka indhaha fuulo iyo xanuunka loo yaqaanno “Macular Degeneration”, oo ah cillad timaadaa qofka markuu duqoobo.

Ka hortagga xanuunada wadnaha.

Mid ka mid faa’idooyinka waa wayn ee babaayga waa ka hortagga xanuunnada wadnaha. Babaaygu waxaa ka buuxo faybar oo la rumaysan yahay inuu u wanaagsan yahay caafimaadka wadnaha, waxaana cilmi baariyo la sameeyey ay isku raaceen in quudashada cuntooyinka uu ku badan yahay faybarku ay hoos u dhigaan xayrta wadnaha iyo xidida fuusha. Waxaa kaloo babaayga ku jira maadada potassium iyo fitamiinno waxtar u leh caafimaadka wadnaha. Maadada “fibrin” ee laga helo babaayga waxay hoos u dhigtaa xinjirowga dhiigga iyadoo wanaajisaa qulqul wareegga dhiigga, babaaygu wuxuu ka hortagaa wadne istaagga iyo faaligga.

Caafimaadka iyo quruxda maqaarka:

Babaaygu wuxuu qani ku yahay maadooyinka sun-saarista iyo nafaqooyin ay ka mid yihiin carotenes, Fitamiin C iyo fitamiin E, wuxuu leeyahay faa’idooyin dhanka qurxinta maqaarka iyo timaha ah waana sababta loogu suuq-geeyo kiriimyada iyo shaambooyinka in babaay ay ka samaysan yihiin. Babaaygu waxa uu dhalaaliyaa maqaarka, waxa uu ka ilaaliyaa qalaylka isagoo caawiya in jirku iska caabbiyo calaamadaha duqnimada ee soo deg dega. Waxa kaloo uu koriyaa timaha, waxaana uu ka ilaaliyaa agoolka. Fitamiin E-ga ku jira babaayga wuxuu kordhiyaa soo saarista barootiinka collagen oo ah barootiin jirka u qaabilsan waxyaabo ay ka mid yihiin xoojinta maqaarka iyo tinta iyo ka hortagga calaamadaha gabowga.

Babaaygu waxaa lagu daaweeyaa findoobka, waxaa ku jira maaddo loo yaqaano “papain” taasoo ka hortag u ah caabuqa iyo samaysanka malaxda khaasatan markuusan aad u bislaan. markaad qolofta iyo maraha ka saartid, babaayga waad shiidaysaa adigoo biyo ku darin, markuu cajiin oo kale noqdo ayaad marsanaysaa wajiga, 15 daqiiqo ka dib waxaad uga dhaqaysaa biyo qandac ah.

Faaiidooyinka kale ee aynu kahelno waxa ka mid ah Babaayga waxa uu qani ku yahay walxo iyo maadooyin la dagaallama cudurka kansarka waxaa ka mid ah folate, vitamin C, beta-carotene iyo vitamin E oo hoos u dhiga halista cudurka kansarka.

Sida lagu arkay cilmi baaris ay samaysay jaamacadda Alabama Babaygu wuxuu yareeyaa stress-ka isagoo ka qayb qaato kontaroolidda hormoonada u qaabilsan stress-ka.

Babaaygu wuxuu aad ugu fiican yahay dadka doonaya inay iska ridaan cayilka madaama u ka mid yahay cuntooyinka dhakhso lagu dhergo.

Babaayga aan aad u bislaanin wuxuu ka qayb qaataa caado soo saarka, waxaana lagu la dardaarmaa haweenka caadada ka istaagi rabto. Babayga waad jarjarnaysaa, kadib malab saafi ah ayaad ku darsanaydaa, oo qaaddo ayaa ku cunaysaa.

Mahadsanid .

Hel talo caafimaad.