NEEF-QABATOWGA XILLIGA HURDADA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Neef-qabatowga xilliga hurdadu waa mid dhaca qofku marka uu seexdo ,waa xaalad caafimaad darro oo halis badan ,qofku hadii uu daalanyahay oo uu sameeyo khuuro dheer waxa ay tilmaamaysaa in hawo-mareenku uu xidhanyahay qofkana hawo-qaadashadu ay ku adagtahay.

Neef-qabatowga waxyaabaha sababa waxa loo qaybiyaa laba:-

  • Hawo-mareenka oo xidhma taas oo ay sababayaan muruqyada cunaha oo kale baxa kuwaas oo cadaadiya dhuunta hawada.
  • Maskaxda oo aan sifiican loo gaadhsiin ama usoo jawabin si ay muruqyada cunuhu ay u kale baxaan ,iskuna soo noqdaan si neefsashadu u hagaagto.

CALAAMADAHA LAGU GARTO NEEF-QABATOWGA XILLIGA HURDADA.

  • khuuro /cod dheer oo uu qofku uu sameeyo marka uu hurdo.
  • qofka oo neefsashada joojiya hadana neefsada inta badan qofkale ayaa qofka hurda ku arka kas oo uu ka shakiyo in uuna neefsanayn.
  • Qofka oo afka kale haya hawo dheerna jiidaya ,taas oo kuu tilmaamaysa in hawo-qaadashadu ay ku adagtahay.
  • Marka uu soo tooso qofku waxa uu yeelanayaa madax-xanuun daran.
  • In hurdo fiican qofku aanu helin oo hurdo la’aan ay ku dhacdo.
  • Caajis badan oo tilmamaya in aad hurdo u bahantahay .
  • Hab dareenkaaga / feejignaantada oo yar.
  • Degenaanshiyo la’aan.

YAA KHATAR UGU JIRA NEEF-QABATOWGA XILLIGA HURDADA?

  • Miisaanka qofka oo aad u sarreeya.
  • Qoorta qofka oo gaaban.
  • Raggu waxa ay aad ugu nugulyihiin neefqabatowga habeenki marka la barbar dhigo dumarka.
  • Da’da qofku marwalba oo ay sii weynaato neefqabatowga habeenki uu yeelanayaa.
  • Hadii qaraabadaadu ay leedahay neefqabatowga habeenki adna waxa aad halis ugu jirtaa in aad yeelatid.
  • Sigaarka dadka cabba way yeeshaan xanuunkan sababtoo ay waxa dhuubnaada hawo-mareenkooda.
  • Cabudhka dadka leh ama cadka sanka kuleh iyagana waxa ay halis ugu jiraan in ay yeeshaan neef qabatowga xilliga hurdada.
  • Xanuunada wadnaha ,cadaadiska dhiigga oo sareeya ,sonkorowga , burooyinka makaanka dumarka kasoo baxa dhammaan dadkaas khatar ayey ugu jiraan .

Si aad xaaladdan aad iskaga dawayso la xidhiidh oo la wadaag dhakhtar ama dhakhtarkaaga.

QALABKA LA ISTICMAALO WAXA KA MID AH:

  • CPAP machine oo qofka siiya hawo toos ah oo ka ilaalinaysa in neeftu ay qabato.

TALO.

Haddii aad calaamadaha khuuradu ay ka mid tahay aad isku aragtid waxa muhiim ah in aad la tashatid dhakhtarkaaga.