Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Caanaha naasku waa nafaqada aas-aasiga ah ee uu helo ilamaha hadda dhashay.
Caanaha naaska hooyadu waxa ay ilmaha u wadaa ilaa 2 sanno.
Cilmi-baadhis kasoo baxday waaxda xakamaynta xanuunada ayaa sheegay hooyooyinka ilmaha u bilaaba caanaha naaska marka uu dhasho si xidhiidh ahna u siiyaa in ay ka caano badan yihiin hooyooyinka ilmaha ka joojoojiya caanaha naaska.
Werwerka ugu weyn waxa uu dhashaa marka ilmo labaad uu dhasho in hooyadaas caaneheedu ay yaraanayaan taasna ay keenayso in ilmihii aanu helayn nafaqo ku filan.
Siyaabaha aad kor-ugu qaadi kartid caanaha naaska waxa ka mid ah:
B) Si joogto ah ilmaha naaska u sii.
Habka ugu wanaagsan ee caanaha naaska lagu badin karo hooyadu ilmaha waxa ay naaska siinaysaa maalintii 8-10 jeer .
Hooyada waxa ay u sahlaysaa in naaskeedu uu noqdo mid wado caano ah .
T) Naaskaaga sii pumb garee adigoo isticmaalaya koobka caanaha.
Naaska oo aad pumb garaysid oo aad isticmaashid koobka caanaha naaska lagu liso ,waxa ay naaska ka caawinaysaa in uu soo saaro caano badan .
J) Ilmaha ku du’ labada naasba.
Marka ilmuhu uu bilaabo jaqaddia naasku uu maaxanayaa, marka aad aragtid naaska in caanihiisu ay yaraanayaan naaska kale ugu bedel.
Marwalba oo uu naasku uu noqdo mid wada caano ah sidoo kale waa mid ay kordhayso nafaqada naasku sida subagga .
X) Isticmaal nafaqooyinka caanaha naaska kordhiya.
Marka aynu leenahay nafaqo waa fiitamino kordhiyaa caanaha naaska ,caafimaad ahaan u wanaagsan hooyada iyo ilmaha.
Cuntooyinka kordhiya caanaha naaska waxa ka mid ah :-
- koostada.
- canbe-babayga.
- Digirta.
- Biiniska.
- Toonta.
- Lawska.
- Kalluunka.
- Beedka.
Cuntooyinkan qaar ka mid ah waxa ay hooyadu ku yeelan kartaa Xasaasiyad ee fadlan kale tasho dhakhtarkaaga .
Fiitamiinada u wanaagsan naaska hooyada ee keenaya caano badan waxa ka mid ah :-
Noo reeb fariin caafimaad .