3-SIYAABOOD OO CUNTOOYINKA DAQIIQDA KA SAMAYSAN U DHAAWICI KARAAN CAAFIMAADKA JIDHKAAGA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Cuntooyinka daqiiqda laga semeeyo dhamaantood waa cuntooyin soo jiidasho leh oo dhadhan aad u macaan leh.

Daqiiqda aan lagu darin cuntooyinka barootiinka ah ayaa ah ta ugu saameynta badan ee saamaysa mindhicirkeena .

  1. Waxa ay kor uqaadaa heerka sonkorta dhiigga iyo sidoo kale in ay aad uga shaqaysiiso unugyada soo saaraya maadada insulin-ta.
  2. Waxa ku jira oo ay kakoobantahay maadooyin hadii ay bataan keeni kara caafimaad darro sida:-
  • potassium bromate -oo keenaysa in maadada iodine unugyada ka saarayso taas ay keenayso in xanuuno ay ku dhacaan qanjidhka thyriod ka.
  • chlorine gas oo keenaysa in sifiican aanu u shaqayn mindhicirradu hab-nuugis ahaan iyo qashin saar ahaanba.
  • benzoyl bensonate waxa ay hoos udhigtaa insulin oo ah maadada sonkorta dhiigga ka yaraysa oo hoos u dhigta.

Saddexdan maaddo waxa lagu daraa marka la wershadaynayo .

3. Waxa ay kordhinaysaa miisaanka qofka ,miisaanka oo kordhaa waxa ka dhalan kara xanuunada wadnaha.

SIDEE AYAA LAGU YAREEYAA DHIBAATADA CUNTOOYINKA DAQIIQDA KA SAMAYSAN?

Daqiiqdu madama aynu u isticmaalno cunto ahaan waxa dhici karta in aan laga maarmi karin.

Talaabooyinkan raac si aad uga badbaado dhibaatooyinka laga dhaxlo.

  • Kaligeed ha quudan ku dar budo kasamaysan cuntooyinka barootinka sida digir.
  • Isticmaal hal wakhti oo kaliyah maalintii maadama sonkor ka samaysantahay.
  • Ku isticmaal cuntooyinka galka leh sida harakooga ,digirta ,biiniska kuwaas oo nafaqo aad ka helaysid …
  • Marka aad isticmaashid cab biyo kugu filan iyada oo ay ku xidhantahay biyaha aad qaadanaysid miisaankaaga.

Maalintii marka aad biyaha cabaysid waa in aad sifiican u garanaysid miisaankaaga iyo biyaha uu u baahanyahay.

  • Jimicso 3 saacadood kadib si dhiigga looga saaro sonkorta oo muruqyadu ay u isticmaalaan.

Haddii aad leedahay calaamadahan la xidhiidh dhakhtar.

  • Hawo-badan oo caloosha gasha .
  • Daaco-badan.
  • Cunto-xumo.

Xasuusin .

Daqiiqdu maaha sun waa cunto faaiido badan oo jidhkeenu uu ka helo awood uu waxkuqabsado.

Ha badsan maalinti hal wakhti qaado .

Latasho-dhakhtarkaaga.