SIDEE AYAAD UGA BAD-BAADI KARTAA DHIBAATOOYINKA UU KEENO SONKOROWGU/MACAANKU?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Sonkorowgu/macaanku waa xanuun jiitama ,ganacu waxa uu waayaa unugyada usoo saara maadada insulin oo control-sha heerka sonkorta dhiigga dhex-qulqulaysa.

Sonkorta badan ee dhiiggu waxa ay waxyeelo u gaysataa unugyada dareemayaasha,taranka,indhaha,kelyaha,wadnaha iyo lugaha.

Hadii sifiican oo loo ilaalin heerka sonkorta waxa ay keeni kartaa cawaaqib xumooyin saamayn xun leh .

Siyaabaha lagaga hortago dhibaatooyinka macaanku gaysto waxa ka mid ah:

  1. AAD UGU AD-ADKOW HEERKA SONKORTAADA.

Cabirka joogtada ah ee loo sameeyo sonkorta ee lagu ogaanayo heerka sonkortu in uu sareeyo iyo in uu hooseeyo waxa ay yaraysaa dhibaatada qarsoon.

Haddii uu sarayso heerka sonkortu fadlan la xidhiidh dhakhtarkaaga.

Heerka sonkortu hadii uu gaadho 250mg/dl ama uu ka sareeyo ,sonkortaadu waxa ay u baahantahay in la xadeeyo fadlan la tasho dhakhtarkaaga.

Jimicsi,dhaqaaqa badan ee aad maalintii aad samaysaa waxa ay yaraysaa heerka sonkortaada.

2. SIGAARKA HA CABBIN/JOOJI.

Sigaarku waa xanuun abuuraha ugu awoodda badan hadda wakhtigan la joogo ,qofka waxa uu ku hogaamiyaa in uu sifudud u qaado sonkorow/macaan.

Qofka qabah xanuunka sonkorowga/macaanka waxa uu dhibaato uu ku keenaa sigaarku:-

  • waxa uu yareeyaa dhiigga gaadhaya lugaha .
  • nabarro badan ayaa ku samaysa lugaha qofka taas oo keenaysa inuu nabarku caabuq uu qaado sidaasna uu ku bogsan waayo.
  • heerka sonkortiisu waa mid marwalba aad u saraysa.
  • wadne-xanuun.
  • faalig.
  • xanuunada indhaha ku dhaca taas oo kukeeni karta indho-la’aan.
  • dareemayaasha oo dhaawac uu gaadho.
  • xanuunada kelyaha ku dhaca oo uu halisbadan u galo.

Dhakhtarkaaga ama mihnadlahaaga caafimaad kale tasho sidaad ujoojin lahayd cabidda sigaarka.

3. KU ILAALI HEERKA SUBAGAAGA INU AHAAD MID CAADI AH.

Hadii aad leedahay sonkorow iyo dhiikar waa muhiim in aad aad isha ugu haysid heerka subaga ee dhiigga in uu yahay intii loo baahnaa.

Cuntada duxdu ku badantahay , cuntada mulixdu ku yartahay iyo jimcisi fiican oo la sameeyo waxa ay ka hortagtaa in uu faalig qofka uu ku dhufto.

Heerka subagga oo sarreeyaa dhibaatooyin badan ayuu ka hortagayah sidaas ayey muhiim u tahay qofka sonkorta qabaa in uu aad uu iskaga ilaaliyo oo 4 biloodba mar uu eego heerka subagga.

Imisa nooc oo subag ah ayaa jira ?

  • Total cholesterol.
  • LDL (low-density lipoprotein), subagga xun.
  • HDL (high-density lipoprotein), subagga wanaagsan.
  • Triglycerides, subagga ugu badan ee jidhkeena laga helo.

Qofka sonkorowga qaba 4 biloodba mar waa in uu checkup kiisa uu raacsado si looga hortago beer-subag ,xanuunada wadnaha iyo dhiikarka.

4. CABBIR JOOGTO AH .

Cabirka joogtada ah waxa uu kuu sheegaa in aad u baahantahay daawadada macaanka.

Qofku in uu maalintii uu is cabiro 2 wakhti aad ayey muhiim utahay,wakhtiyada qofku uu iscabirayo waa wakhtiyada ka horeeya inta aanu qaadan daawada sonkorta kiniini ama irbad hadba ta uu qaadanayo.

5. 6 BILOODBA IN AAD IS EEGTO BADQABKAAGA.

Lixdii biloodba in aad is eegto waxa ka dhinmay ee nafaqo ah sida fiitamiinada,macdahana ,shaqada kelyaha,wadnaha ,beerka iyo hawo mareenka aad ayey muhiim u tahay.

Indhaha cabirkooda sidoo kale in aad la socotid hadii aad macaan leedahay ,sonkorta badan waxa ay dhaawac-u gaysataa indhaha qaybta ratina-naha.

lugaha in la eego saamaynta sonkortu ay u gaysatay ,tusaale dareenka faraha iyo in laga eego in ay nabaro yeesheen .

6. QAADO TALAALADA.

Talaalku waa hab-difaaca jidhkeena talaalku waxa uu inaga ilaaliyaa hadba xanuunkaas aan talaalkiisa qaadanayno .

Wadan walba waxa uu leeyahay xanuuno kubadan ,marka aad aadid waa in aad talaalka qaadatid si aanu kuugu dhicin xanuunkaas.

Talaalka durayga waxa laqaataa sanadkiiba mar,waxa uu kaa yaraynayaa dhibaatooyinka uu duraygu sidda oofta,difaacaga oo uu hoos u dhigo iyo xanuunada dhagaha iyo qanjaha.

Talaalka oofta waxa laqaataa sanadkiiba hal mar ,hadii aad leedahay macaan/sonkorow.

Talaalka joonis cassaha waxa uu ka hortagayaa joonis cassaha ,qofka 60 ka yar ayaa qaadan kara ,qofka ka weyn waxa uu la tashanayaa dhakhtarkiisa.

Talaalka covid19 talaalkan waxa uu ka hortagayaa caabuqan aduunka kucusb .

Talaalada kale ee jira aad ayey muhiim ugu yihiin qofka xanuunka sonkorowga qaba.

7. AAD U ILAALI ILKAHAAGA .

Xanuunka sonkorowgu waxa uu keenaa in qofka qaba xanuunka ay ilkihiisu awoodoodu ay yaraato si fududna ay u burburi karaa.

Caabuq badan ayaa ku dhalan kara ilkahaaga ,maalintii 2–3 jeer ayaad ilkahaaga nadiifin.

Booqo dhakhtarka afka 4 bilood ba mar.

8. LUGAHA BADQABOOKDA AAD U ILAALI.

Dadka sonkorta qabah waxa ay lugahooda ku arkaan in dareenku uu ka tago faraha iyo in lugaha ay biyo galaan meelaha kabuhu ay qaban karaan.

Sideed u ilaalin kartaa lugahaaga hadii aad qabtid sonkorow/macaan?

  • lugahaaga dhaq ,adigoo ku dhaqaya biyo caadiya.
  • lugahaaga mari cream ka loogu talo galay oo qalaylka ka ilaali.
  • Faraha dhexdooda qalayl ha ahaadaan marwalba oo ka masax wixii qoyaan ah suulasha .
  • Lugahaaga faraha ka dhexfiiri calaamadaha caabuqa sida cassaan,barar,diirimaad iyo qolof.
  • Hadii aad isku aragtid nabar ama boog adigoo sonkor leh la xidhiidh dhakhtar sida ugu dhakhsiyaha badan ,hadii hore u aadi waysid waxa kugu dhici karta gangerene.

9. YAREE ISKUBUUQA AMA FEKERKA BADAN WAXA AY KICINKARTAA HEERKA SONKORTAADA.

10. KINIINKA ASPIRIN WAXA UU KA HORTAGAA FAALIGGA IYO WADNE XANUUNKA.

Aspirin waa kiniin xanuun baabiiye/kaarjabiye ah .

waxa uu hoos udhigaa xanuunada wadnaha iyo faaligga ,waxa uu ka hortagaa in ay xinjir ay samaysanto.

Qofka sonkorta leh dhakhaatiirtu waxa ay kula talisaa in uu isticmaalo ,dhakhtar la’aan ha qaadan sababtoo ah lama hubo in aad qabtid xanuunada xinjirta baabiiya oo hadii aad qabtid qadar badan ayaad ku gali kartaa.

mahadsanid ,ku xidhnow dhakhtarkaaga xaalad walabana la socodsii.