Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Marwalba oo miisaanka qofku uu batoh waxa uu halis 100% ah ugu jiraa in fiitamin D-gu uu hoos u dhaco.
Fadlan hadii miisaankaagu uu ka badan yahay 85kg waa in aad eegtaa xadiga fiitamin D-gaaga ,waxa lagu ogaadaa shaybaadh.
CALAAMADAHA LAGU GARTO IN FIITAMIN-D GAAGU UU HOOSEEYO WAXA KA MID AH.
– Diidid.
– Hurdo xumo.
– Lafo-xanuun.
– Isku-buuq iyo fikir badan.
– Timo daadasho.
– Muruqyada oo bilaa awood noqda.
– Cunto-xumo.
– Maqaar cawlan.
5 CUNTO OO LAGA HELO FIITAMIN-D GA UGU BADAN..
– Kalluunka ay ka mid yihiin tuna, salmon iyo trouta.
– Beedka.
– Lo’da beerkeeda.
– Beerka kalluunka.
CUNTOOYINKA XADIGA AAN BADANAYN LAGA HELO EE FIITAMIN-D GA AH.
– Cuntada galka leh.
– Caanaha .
– Canbaha.
– Qamandida.
FIITAMIN D- GA AYNU KA HELNO CADCEEDDA MA INAGU FILANYAHAY?
MAY, sababtoo ah xaddi yar ayaa soo gaadhaysa maqaarkeena.
Waxa loo baahanyahay in qofku uu qaato cuntooyinka uugu badan-yahay fiitamin-D gu.
MA QAADAN KARAA KINIINADA FIITAMIN-D?
Haa , uu qaadan karaa qof walba iyo da’ walbah waxa ay ku xidhan tahay baahida loo qabo fiitamin-D.
SIDA AAD KOR UGU QAADI KARTID FIITAMIN-D GAAGA WAXA KA MID AH:-
– Isticmaal cuntooyinka uu ku badan yahay fiitamin D.
– Cadceed kugu filan maalintii hel.
– Isticmaal daawooyiinka fiitamin-D sida kiniinada.