6 TALLAABO OO MUHIIM U AH CAAFIMAADKAAGA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Tallaabooyinka caafimaadka ah ee aad naftaada ku badbaadin kartid waa ay badanyihiin ,tusaale waxa aad qabtaa duray,aad ayaad u qufacaysaa waxa aad xidhatay afsaar ,waxa aad badbaadisay dadkii kale waa qodob aad muhiim u ah maadaama aad diiday in xanuunku uu sii faafo.

6 tallaabo oo aad naftaada iyo nafaha kale ku badbaadin kartid waxa ka mid ah:-

  • MARKA AAD MUDITAANKA ISTICMAALAYSID(IRBADAHA) NADIIF HA AHAATO.

Muditaanka qalabka lagu isticmaalayo(irbadaha) marka hore waxa loo diyaariyey hab aad loo nadiifiyey sidoo kale gudaha bacda marka ay ku jirto wax xanuun-dhaliye ah lagama soo dhex-helayo ,marka lagugu mudayo bacda irbaddu ha xidhnaato ,hadii ay furantahay ha isticmaalin.

Daawooyinka xididka laga qaato waa in ay xidhantahay oo ayna dhinac ka furnayn.

Waa muhiim daawooyinka iyo irbadaha lagugu mudayo in ay xidhnaadan .

  • HA SAMAYN GALMO AAN LAGUU BANNAYN.

Maadaama oo diintu inoo bannaysay in aad u tagtid lamaankaaga oo kaliya ,waxa ay kaa dhawraysaa dhamaan xanuunadii lagu kale qaaday galmada sida HIV/AIDS,JABTI,XABBAD IYO XANUUNADA KALE EE VIRUS-KA.

Sida kaliyata ee aad u ilaalin kartid caafimaadkaga waa in aad lamaane samaysatid ,ha aaminin waxyaabaha la xidho ee ka ilaalinaya xanuunada galmada lagu kale qaado.

  • QALABKA LAGU XIIRTO GOONI HAKUU AHAADAAN.

Qalabka lagu xiirto gaar hakuu ahaadaan ,sakiinta gadhka maadama ay jeexitaan maqaarkaaga u gaysanayso waxa dhici karta in uu kula wadaago qof xanuun la nool in uu kula isticmaalo kadib si fudud aad ku qaadid xanuunkii ,fadlan kaligaa isticmaal qalabka lagu xiirto.

  • AGABKA DHAGAHA LAGU QURXIYO ISTICMAAL MID AAN CAABUQ KUGU DHALINAYN.

Dhagaha dumarka badanaa waxa ku qurxisan dhego dahab ama maar ah , waxa la dalooliyaa dhegta kadib waala sudhaa,si aad uga hortagto caabuq ama infekshan in ay meeshu yeelato ha xidhan dhego ku qabanaya ,marwalba oo aad kaar iyo xanuun aad ka dareento fadlan goob caafimaad aad xilli hore si waxlooga qabto.

  • XAALADAADA CAAFIMAAD LASOCO OO ISBAADH.

Isbaadh-xanuunadu maadaama ay hadda wakhtigan ay badan yihiin sida xanuunadan:-

xanuunada dhiikarka,macaanka ,beer-subagga -kelyo xanuunka iyo dhammaan xanuunada faafa .

waa muhiim 3-6 biloodba in aad is baadhid oo aad eegtid xanuunada deegaanka hadda kusoo badanaya.

  • TALLAALADA QAADO.

Talaalku waa muhiim ,waa habka koowaad ee lagaga hortago xanuunada faafa sida jooniska,mininjaajiska ,oofta iyo duraygga.

Talaalku waa difaaca labaad ee aynu haysano fadlan tallaalka qaado.