NAFAQO-DARRO!

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Waxa aad maqashaa hebel -waxa uu u baahan yahay nafaqo/waxa ku dhacay nafaqo -darro ayaa haysa, nafaqo-darro maxay tahay?

Nafaqo-darro waxa loo yaqaan laba xaaladood:-

  • Xaaladda dheeli tirnaan la’anta cuntada waxa loo yaqaan nafaqo-darro.
  • Xaaladda isku dheeli tiran ee qofku uuka badiyo cuntada intii looga baahnaa waxa loo yaqaan nafaqo-darro.

Cuntooyinka aynu qaadano waa cuntooyinka kooban dux/subag,fiitamiino,macdano,sonkor iyo barootiin cuntada aan intaa ka koobnayn waxa loo yaqaan cunto aan nafaqo lahayn.

Hadii cuntada uu qaadanayo qofku ay badantahay oo si xad-dhaaf ah uu u qaado cunto-dheeli tiran waxa la odhanayaa nafaqo-darro ayaa haysaa oo xadigii looga baahnaa in ka badan ayuu qaadanayaa qofku.

Qofka ay ku dhacayso nafaqo-darradu waa qof hal cunto uun caadaysta sida bariiska oo karbohaydarate ah/sonkor ama barootiin.

Nafaqo-darradu waxa keeni karaa :

  • Xaalad caafimaad darro .
  • Abaaraha .
  • Qofka oo ilihiisa dhaqaale ay usaamaxayn cunto nafaqo-leh in uu helo.
  • Qofka oo caabuq-darran uu haleelo.

QAADASHO-YARIDA CUNTADA .

Qaadasho yarida cuntada waxa keeni karta qofka oo xanuun la nool sida xanuunada beerka,kansarka,caloosha,mindhicirada iyo xanuunada afka.

Xanuunada afku hadii ay qofka ku dhacaan waxa qofka ku iman karta nafaqo darro ay keenayso damqadashada afka.

Daawooyinka qaar sida daawooyinka macaanka ,subagga iyo daawooyin kale.

Maadada cyproheptadine +fiitamiino ayaa qofka la siiyaa si cunto-qaadashu ay u saxanto.

CALAAMADAHA UGU WAAWEYN EE LAGU GARAN KARO NAFAQO-DARADA.

Caruurta.

  • Cunto-xumo.
  • Ilmaha oo daanis cunto lahayn.
  • Ilmaha oo daalan marwalba.
  • Boogaha/nabarada oo aan hore ubogsan.
  • Heerka feejignaanta hilmaha oo hoosaysa.
  • Ilmaha oo marwalba qabow-maqaarkiisa.
  • Koritaanka ilmaha oo hoos udhaca.

Dumarka.

  • Cunto-xumo.
  • Daal/tabcaan badan.
  • Miisaan-lumis.
  • Timaha oo daata.
  • Maqaarka oo qarqarxa.
  • Calool istaag.
  • Caano-yaraan.
  • Cirid dhiig.
  • Taranka oo hoos udhaca.
  • Nabarada oo hore ubogsan.

Ragga.

  • Cunto-xumo.
  • Daal/tabcaan badan.
  • Miisaan lumis lugaha iyo xubanaha kale.
  • Calool-weyn.
  • Calool-istaag.
  • Maqaar-qalalan.
  • Timaha oo daata.
  • Cirid-dhiig.
  • Boogaha nabarada oo hore ubogsan.

XAALADAHA MASKAXDA WAXA AY KEENI KARTAA NAFAQO-DARRO.

Xaaladaha maskaxda ama habsami u shaqaynta maskaxda hadii ay ku yimaadaan culaysyo badan ,waxa ay bedeli karaan habsami u shaqayntii cunto-qaadashada.

Xanuunada la xidhiidha maskaxda ee keena cunto-cumo keeni karta nafaqo-daro waxa ka mid ah:-

  • Isku-buuqa.

Isku-buuqu waa fariimo badan oo ku yimaada maskaxda ama hab-fikir xad-dhaaf ah ee ka dhalanaya cadaadisyada kaga imanaya dibadda sida shaqada ,qoyskiisa iyo caqabad hortaagan qofka.

Isku-buuqaas waxa uu keenayaa cunto-xumo dhalinaysa nafaqo-darro ,marwalba waxa aad cunaysaa cunto aanad ka werhayn waxa ay ka koobantahay oo kooban adigoo ka walaacaya cuntadan inay kaa qashqashto hab-fikirkan aad xalinta ku raadinaysid .

Si aad uga badbaado iskubuuqan in nafaqo-darro uu kugu keenin la tasho-dhakhtarkaaga.

  • Waalida.

Qofka xiskiisu aanu dhamaystirnayn ,waxa ku dhacda nafaqo-darro .

waxa uu aaminayaa in aanu cunto-liqi karin , sidoo kale waxa hoos udhaca doonista cunto .

Si aynu ugu hortagno waa in aynu u sheegno dhakhtarka in cunto xumo ay hayso qofka xiskiisu aanu dhamaystiranayn ee aynu ku hayno guryaheena,cusbitaalada iyo cilaajyada.

  • Qofka oo cuntada joojiya.

Xaaladan waxa keenta inta badan xanuunada maskaxda qofku waxa uu joojinaya cuntada dhamaan ,taas waxa ay keenaysaa in miisaankiisii uu hoos u dhaco .

XANUUNADA MARINKA CUNTADA LA XIDHIIDHA EE KEENA NAFAQO-DARRO.

Hadii jidhku aanu nuugayn,nafaqada lagama hortagi karo nafaqo-darro.

Xanuunada marinka cuntada ku dhaca ee keena nafaqo-darro waxa ka mid ah:-

  • Crohn’s disease.

Waa xanuun uu keeno hab-difaaceenu kaas oo burburinaya unugyada nuuga nafaqada ee mindhicirka yar.

  • Celiac disease.

Waa xanuun ka yimaada hab-difaaceena kaas oo diida cuntooyinka ay ku jirto maadada gluten.

Marka uu jiro xanuunka celiac disease la burburin karo gluten – oo ah maado ku jirta cuntooyinkan :

  • bariiska ,cuntooyinka daqiiqda laga sameeyey,

DHIBAATOOYINKA KEENI KARA NAFAQO-DARADA.

Qodobo badan ayaa keeni kara nafaqo-daro ,waxa ka mid ah :-

  • Hababka barashada cuntada iyo qaybaheeda kale duwan.
  • Sida loo karinayo cuntada oo ubaahan barasho.
  • Dhaqaalaha bulshada oo ah mid aan xooganyn oo ah qodobka ugu weyn ee keeni kara nafaqo-daro maadaama dadku ayn a awoodayn cunto fiican in ay helaan.

SIDAN USAX QOFKA AYNA CUNTADIISU AYNA ISKU DHEELI TIRNAYN.

  • Cun ugu yaraan 5 qaybood oo kala duwan oo khudaar iyo miro ah maalin kasta (eeg 5 Maalin).
  • Cuntada bariis ,baasto,baradho iyo rooti hadba kii aad hesho.
  • Cun cuntooyinka barootiinka ah sida hilibka, muuska,beedka,kalluunka,digirta …….
  • Xaddi yar oo dux ah.
  • Biyo ugu yaraan cab 8 koob oo biyo ah.

Cuntada intan ka kooban ayaa loo yaqaan cunto dheeli tiran,qofka cuntadan iyo jimicsi isku hela wuxuu helaa caafimaad iyo cimri dheer.

CARUURTA YARYAR EE NAFAQO-DARADY AY HAYSO SIDAN AYAA LOOLA TACAALAA.

Marnaba guriga haku haysan waa in aad gaysid goob caafimaad sida xanaano.

CUNTOOYINKA HADII AAD KA BADISID XADKII LOOGU TALOGALAY

Marka cuntada dheeliga tiran jidhku baahidiisa uu ka dhamaysto inta kale waala kaydiyaa ,meelaha baruurta ah sida uurkujirta,dhabarka kelyaha dushooda ,bowdiyaha iyo meelo badan .

Marka la kaydiyo cuntadii qofka miisaankiisu uu kordhayaa ,hadii miisaanku uuka sareeyo caadi ahaa 75kg ,waxa la odhanayaa qofkaas miisaankiisu uu sareeyaa ,halis waxa uu ugalayaa xanuunadan:-

  • Wadne-xanuun.
  • Sonkorow/macaan .
  • Beer-subag iyo xanuuno kale oo badan .

Sidee ayaad kaga hortagaysaa xanuunadan?

  • Sonkortaada cabir oo la soco.
  • Saddexdii bilood ba mar hubi subagaagu intuu marayo .
  • Wadnahaaga saar sawir 3-4 biloodba mar.
  • Cadaadiska dhiiggaa cabir 2 cishoba maalin.

WQ/ MIC.