Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
MAXAA CADAADISKA DHIIGGA HOOS LOOGU DHIGAA?
Dadka la nool xanuunka dhiikarka,cadaadiska dhiiggoodu hadii uu ka sareeyo 140/90mm/hg, dhakhaatiirtu waxa ay siiyaan daawooyin kiniino ah oo hoos u dhiga.
Cadaadiska dhiigga/dhiikarka sababaha hoos loogu dhigo waxa kamid ah si ayna u dhicin:-
– Dhaawac in uu soo gaadhin kelyaha.
– In laga hortago faalig.
– In laga hortago xanuunada wadnaha iyo xididada halbowlaha ah.
– In ayna lumin xasuustu.
– In ayna xidhmin xididada wadnuhu .
– Kaar-saaid ah oo wadnaha.
– In ayna lumin aragtidu.
Cadaadiska dhiigga ee sarreeyaa dhamaan xubnayaasha jidhkeena uu saameeyaa taas ayaa ay ka dhalan kartaa dhaawac degdeg ah oo soo gaadha xubinta dhiigu dhex-qulqulayo.
CADAADISKA DHIIGGU HADII UU GAADHO CABIRKAN WAA HALIS :-
– 140/90mmhg.
– 150/100mmhg.
– 160/110mmhg.
– 170/120mmhg.
Iyo cabirkii ka sareeyaa.
CALAAMADAHA AAD KU OGAAN KARTID IN UU CADAADISKA DHIIGU UU SAREEYO:-
– Dawakhaad.
– Madax-xanuun daran.
– Goror.
– Margiyada oo qofka xanuuna.
– Naqaska oo qofka qabta.
Dhammaan calaamadahan waa emergency fadlan ha dhayalsan la xidhiidh dhakhtar ama goob caafimaad halka kuugu dhaw.
W/Q mohamed ibrahim(CCN).