Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Kansar marka la leeyahay waa unug si xawli ah u koray.
Ma jirto awood lagu joojin karo xanuunka kansarka laakiin waxa uu leeyahay ka hortag fiican ,oo qofka lagu awoodsiinayo unugyadiisu in ayna u nuglaan xanuunka kansarka.
Xanuunka kansarku waxa uu ku dhacaa unug walba oo jirkeena ,unugyaduna way u kale nugulyihiin kansarka ugu badan ee dadkeena ku dhaca waa kansarka uurku jirta sida beerka,mindhicirada ,hunguriga ,caloosha ,kaadi-haysta,qanjidhka ragga iyo malawadka.
In aad cunto caafimaad ah cunto waxa ay ka hortagtaa qatarta xanuunka kansarka .
Dhakhaatiirtu waxa ay ku taliyeen saddexdan talo:-
- Soon,soonku waa habka ugu wanaagsan ee lagaga hortagi karo kansar.
- Cun cuntooyinka dhirta sida khudaarta iyo midhaha.
- Miisaankaaga ilaali yaanu badan ama hoosayn.
- Ka fogow cuntooyinka kuu sahlaya kansarka.
KANSARKA KULA DAGAALAN CUNTO.
khudaartu waa habka mid ah hababka lagula dagaalamo kansarka xaga cuntada marka laga eegayo.
Waxa ka mid ah khudaarta ay soo bandhigtay daraasaddu :-
- Berries/strawberry.
Waxa ku jira maado loo yaqaan ellagic acid taas oo hoos u dhigta koritaanka degdega ah ee unugyada kansarka ,waxa uu ka hortagaa in uu dhaawac uu soo gaadho DNA oo ah siddo sidaha .
- Akhtar/qaji.
waxa uu ka kooban yahay maado loo yaqaan capsaicin oo ka hortagta kansarada kale ee ku dhaca unugyada jidhka.
KHUDAARTA LAGULA TAGAALAMO KANSARKA WAXA KA MID AH.
- Toonta.
Waxa ay kakoobantahay s allicin, alliin, diallyl sulfide, diallyl disulfide, diallyl trisulfide, ajoene, and S-allyl-cysteine oo maadooyin difaaceena kor u qaada ,waxa ay hoos u dhigaan unugyada kansarka oo ay ka hortagaan in uu sii kordho/faafo.
2. borokoli/broccoli.
somalidu aad uma isticmaasho,dhulkeenana kuma aha mid ku badan waxa uu ka kooban yahay sulforaphane waxa ay jidhka siisaa hab difaac aad usareeya kaas oo uu jidhku iskaga difaaci karo dhammaan xanuunada caabuqa ah ama kansarka.
3.Geedka huruudda .
Geedka hurudda waxa uu ka kooban yahay nafaqooyin jidhka ka saara wixii sun ah ,sida dhaawacyada maqaarka iyo kansarka.
Unugyada uu kansarku uu ku dhaco waxa ay kahor istaagaan maadooyinka ku jiraa in ay koraan buro ay noqdaan ama in kansarku uu ku faafo dhamaan jidhka.
4. Isticmaalka green tea.
Green tea waxa uu yareeyaa xanuunada wadnaha,unugyada oo hore u gabooba,xanuunada kansarka,af-buuqa iyo heerka sonkorta oo uu hoos u dhigo.