10 QODODB OO ILMAHA CAAFIMAADKIISA AAD KU HORUMARIN KARTID.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Laga soo bilaabo 1928 ururka caafimaadka aduunku waxa ay xusayeen muhiimada caafimaadka caruurta in kor looqaado si ay u noqdaan ilmo caafimaad qaba oo mustaqbal fiican yeesha.

Wacyigalin badan oo la sameeyey caruurta waalidku uu ka warhayo badqabkooda iyo caafimaadkooda waxa ay ka waxtar badan yihiin caruurta aan daryeelka ka haysan waalidkood.

Marwalba oo aad ilmahaaga daryeel kawarhayn iyo mid caafimaadba aad siiso waa marwalba oo ilmahaagu uu noqonayo mid aad ku kalsoonaato caafimaadkiisa ,habfikirkiisa iyo mustaqbalkiisa.

  1. Ilmahaaga haku ag isticmaalin bal wad sida sigaarka iyo balwadaha kale.

Waalidka balwadaha ku ag isticmaala caruurtooda sida tusaale ahaan sigaarka ,ilmaha waxa ay ku keeni kartaa khataro caafimaad oo daran sida xanuunka xiiqda,caabuqa dhegaha iyo ilmaha oo sidegdeg ah u dhinta.

2. Sii ilmaha midho iyo khudaarta cagaaran.

Midhaha iyo khudaarta cagaaran ilmaha sii, cuntooyinkan waxa loo yaqaan cuntooyinka kor uqaada difaaca caruurta.

Khudaarta iyo midhuhu waxa ay kor uqaadaan soo saaridda unugyada difaaca ee cad-cad,daraasado badan waxa lagu sheegay cuntooyinka ay ku jiraan midhaha iyo khudaartu in ay jidhka siiyaan adkaanshiyo ay iskaga difaacaan xanuunada jiitama sida kansarka iyo wadne xanuunka.

3. Jimicsi qoys.

In aad lajimicsatid caruurta waxa ay sii naysaa awood iyo difaac jidhkiisu uu ku dhismayo.

Jimicsigu ilmaha wadnihiisa aad ayuu ugu wanaagsan yahay .

Jimicsiga gaar ahaaneed waxa ka wanaagsan jimicsiga lawada jimicsado , ilmuhu waxa uu ka helayaa nashaad iyo firfircooni.

4. Ilmaha xilli hore seexi.

Ilmuhu marwalba oo uu soo jeedo xilli badan ,waxa uu cuni karaa cunto walba taas waxa ay khatarku tahay ilkihiisa oo suus ayuu yeelan karaa ,hadii uu meesha uu yimaado caabuq difaaciisu hoos ayuu u dhacayaa,waxa uu halis u jiraa in uu yeesho xanuunada jiitama sida macaanka iyo xanuunada wadnaha.

5. Usheeg wakhtiga cadayga /xasuusi.

Suusku waa mid ka mid ah xanuunada jiitama ee ilmaha uu la kulmo,suuska uu yeesho ilmahaagu waxa ay ka hor istaagaysaa in uu ciyaaro,kaftamo ,dadka la sheekaysto sidoo kale uu waxbarto.

Xasuusi ilmaha marka uu waxcuno in uu cadaydo ,maadaama dad muslim ah aynu nahay marwalba oo aynu tukanayno ee inagu aynu cadayanayno in ilamahana aynu u cadayno.

6. Gacmo-dhiqis.

Gacmo dhiqistu waa muhiim,hab-difaaca jidhkeena marka laga imaado waa difaaca koobaad gacmo dhiqistu,ilmaha bar siyaabaha kale duwan ee gacmaha loo dhaqdo.

7. U ogolow ilmaha in uu madbakha uu kaale shaqeeyo.

Goobta ciyaarta marka laga yimaado ,ilmuhu waxa uu aad ujecel yahay qolka cuntada lagu karinayo in uu ku ag joogo, ilmaha bar in uu ku caawin karo ,marka uu gaadho da’da cunto uu ku garan karo waa in uu sifudud u garan karo qiyaasta iyo dhibirsanaanta shaqada.

8. Ilmahaaga bar siduu shucuurtiisa usoo bandhigi lahaa.

Maskax ahaan ilmaha waa in aynu barnaa in uu soo bandhigo habfikirkiisa ,sidoo kale ilmaha waa in aynu ku tabobarnaa in xakamayn karo waxyaabaha isku buuqa ku keeni kara sida ,hadii uu dagaal badan yahay in aynu u sheegno in uu dagaalku kukeeni karo xaalado halis ah oo hadhow keeni kara dhib, kadib aynu ku tabobarno sida uu dagaalka ku joojin karo tusaale ahaan in uu waxbarasho galo xilliyada uu asxaabtiisa uu la qaadan jiray ,iyada oo aan laga saarayn wakhtigii uu jimicsanayey.

9. Ilmuhu hadii uu xanuusto fadlan guriga ku hay.

Marmar waxa uu dareemayaa ilmuhu inayna macquul ahayn meel aan walidkii joogin inuu ku xanuusto.

Sii uu u helo nasasho waxa wanaagsan in uu guriga uu kuqaato daawada, hadii ilmaha uu hayo xanuunada faafa waxa muhiim ah in uu guriga joogo si ardayda kale aanu u saamayn oo xanuunka u qaadsiin .

ilmuhu xilliga uu xanuunsanayo waxa uu u baahanyahay wakhti uu ku nasto daawadana uu qaato .

10. Ilmahaaga dhiiri gali.

Marwalba oo aad dhiiri galisid ilmahaaga waxa uu noqnayaa mid dhiiran .

Ilmaha ku taageer waxa uu doonayo in uu barto , marwalba tus qof heer ka gaadhay wuxuu doonayo in uu barto ,ha ilaabin in aad ilmahaaga u noqotid tusaale fiican.

WQ/mohamed ibrahim.