Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Macdanta magensium- waa nafaqo u wanaagsan dareemayaasha,murqaha , lafaha iyo xadiga sonkorta ee dhex qulqulaysa dhiiga oo ay xadido sidoo kale proteins ka hida siduhu uu ka kooban yahay ayey ka qaybqaadataa samaysankiisa.
Hadii aanad qaadan in muddo ah cunto ay ku jirto magnesium waxa dhici karta in baahi badan jidhkaagu uu u qabo ,baahidaas oo aad isku aragtid calaamado muujinaya xanuun.
Macdanta magensium hadii ay yartahay sidoo kale waxa hoos u yaraada calcium iyo potassium.
Calaamadaha lagu garto marka ay yartahay macdanta magnesium.
- Yalaalugo/lalabo.
- Calool istaag.
- Madax-xanuun.
- Habeenkii oo caguhu kaar ay yeeshaan.
- Awood la’aan.
- Gariir jidhka qayb ka mid ah.
- Qaraaca wadnaha oo la dareemo si saaid ah.
SIDEED KU HELI KARTAA MAGNESIUM KUGU FILAN?
Waxa aad ku helaysaa khudaarta iyo kiniin.
Khudaarta aad ka heli kartid waxa ka mid ah – kostada iyo khudaarta caleenta kostada oo kale leh.
SIDEE AYEY MAGNESIUM UCAAWISAA HURDADA?
Waxa ay hoos u dhigtaa faldajiyeyaasha neerfaha waxa ay hoos udhigtaa cortisolka, ayna kor u qaadaa hoormoonka(hormone) ka melotonin oo ah ka ina siiya hurdada.
(cortisol waa hoormoon<hormone> kan waxa uu maamulaa heerka diiqadda jidhkeena).
MAGNESIUM IYO HAB-DHISKA CUNTADA.
Magnesium tu waxa ay ka qayb qaadataa habdhiska cuntada ,habdhiska cuntadu waxa uu ka bilaabmaa afka ilaa malowadka.
Hungurigu waxa uu ka samaysan yahay muruqyo ,muruqyadaas awoodda ay ku dhaqdhaqaayaan ayey ka qayb tahay magnesium ,ururka ay samaynayaan hunguriga iyo mindhicirka weyn si ay isku dhaafiyaan hadba waxa hoos ilaa caloosha loo dajinayo ama la qashin saarayo ayaa ah awoodda ay muruqyadan hawshaa ay ku qabanayaan.
FAAIIDOOYINKA CAAFIMAAD EEE AAN KA HELNO MAGENSIUM WAXA KA MID AH-
- lafaha oo ay siiso qaro ama xooganaan.
- Dadka macaanka halista u ah iyo dadka macaanka la nool waxa ay u ilaalisaa heerka sonkorta ,halka dadka macaanka halista ugujira ka hortagto khalkhalka ku dhacaya ganaca.
- Xanuunada wadnaha kudhaca sida wadne-istaaga degdega ah ayey magnesium ka hortagtaa .
- Xanuunka faaligga iyo cawaaqib xumooyinka ka dhasha dhiikarka ayey hoos u dhigtaa.
- Magensium waxa ay hoos u dhigtaa wadne-qaraaca saaidka ah .
MAGNESIUM IYO SONKOROWGA.
Magnesium waxa ay ka qayb qaadataa in la nuugo sonkorta oo unugyadu ay isticmaalaan, taas waxa ay hoos udhigaysaa sonkorta dhiigga qulqulaysa.
Fiitamiinada la siiyo qofka macaanka/sonkorowga qaba ayaa ay qayb ka tahay magnesium
MAGNESIUM SIDEE AYEY U CAAWISAA MAQAARKA?
Maqaarkeena wakhti walba waxa ku dhaca unugyadiisa isbedel,qaarba dhinta oo la bedelaa ,qaarbaa ubaahan taageero ,magnesium maqaarka dhaawacmay waxa ay siisaa nafaqo uu kaga soo kabtay dhaawacyada dibadda kaga imanaya .
Wajiga inta badan leh finanka ,dhiig roorka iyo dhaawacyada kale waxa ay kor uqaadaa bogsoshadooda sidoo kale waxa ay ka dhigtaa mid nadiif ah maqaarka.
Sidoo kale waxa ay ufiicantahay godadka timaha ee loo yaqaan hair follicle oo ah mid muhiim ah.
Waxa ay ka hortagaysaa timo daadashada ,walow ay taageerayaan fiitamiino kale sida biotin.
DHANJAFKA IYO NAFAQADA MAGENSIUM.
Magnesium waxa ay yaraysaa sidoo kale ay ka hortagaa madax-xanuunka.
Hadii magnesium ay ka yartahay qofka waxa ay saamaysaa habdhiska dareen gudbinta ,waxa burbura ama gudbintii hoos ayey udhacdaa maadaama xididda dhiigu ay yaryaraanayaan ,taas ayaa keenaysa in qofku uu dareemo xanuunka dhanjafka.
Hadii aad leedahay dhanjaf waxa aad isticmaali kartaa 400-500mg oo daawada magnesium ah si uu kaaga dawaysmo ama uu kaga hortagtid.
Xadiga qofku uu qaadanayo maalintii .
Age | Male | Female |
1–3 sano. | 80 mg | 80 mg |
4–8 sano. | 130 mg | 130 mg |
9–13 sano. | 240 mg | 240 mg |
14–18 sano. | 410 mg | 360 mg |
19–30 sano. | 400 mg | 310 mg |
31–50 sano. | 420 mg | 320 mg |
51+ sano. | 420 mg | 320 mg |
Hadii xadi-badan aad isticmaashid oo magensium ah maxaa dhici kara?
Hadii aad qaadatid xadi kabadan inta laguugu talo galay maalintii ama uu dhakhtarkaagu uu kuu qoray waxa aad isku arki doontaa :-
- shuban.
- mantag.
- casiraad / calool majayr.
Hadii xadi kabadan aad qaadatid oo aad calaamadahan aad isku aragtid fadlan la xidhiidh dhakhtarkaaga.
Dadka xanuunada jiitama leh sida macaanka ,dhiikarka ,beer xanuunka, kelyo-xanuunka iyo xanuunada kale waxa muhiim ah in dhakhtarkooda ay kale tashadaan hadii ay ubaahdaan .
DAAWOOYINKA AAN LALA QAADAN KARIN MAGNESIUM .
- Daawooyinka lagula tacaalo xanuunada lafaha tusaale ahaan alendronate (Fosamax).
- Daawooyinka caabuq yareeyaha sida antibiotics ( tetracyline,doxycyline ,viomycin,ciprofloxacin,levofloxacine ….)
- Daawooyinka kaadi badiyeyaasha sida furosimide…
- Daawooyinka gastric-ga lagula tacaalo sida omeprazole ,esomprazole…
|XASUUSNOW.
Daawada magnesium ha qaadan hadii aanad la kulmin dhakhtar ama sidoo kale aanad marin shaybaadh aanad ku ogaan in magnesium taadu ay hoosayso iyo inkale .
Dadka dhiikarka leh ,wadne-xanuunka,kelyaha iyo dhammaan xanuunada jiitama maqaadan karaan magnesium isaga oo aan la tashan dhakhtar.
W/Q mohamed ibrahim
CCN.