DHAAWACA SOO GAADHA NEERFAHA WAJIGA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Dhaawaca soo gaadha neerfaha wajigu waa dhaawacyo halis ku ah quruxda maqaarka wajiga.

Badhka mid ah wajiga ayaa qaloocsama ama isku urura .

MAXAA SABABA?

  • Jug ku dhacda wajiga / dhaawac.
  • Xanuunada caruurtu ay ku dhalato taas oo ay ka dhexlaan waalidkood ama ilmaha oo vitamins ka qaar ay ka dhiman yihiin inta uurka ay ku jiraan.
  • Faaligga.
  • Hadii xanuun uu ku dhaco neerfaha wajiga.
  • Kansarka.
  • Fiixaha wajiga .

qodobadan dhammaantood waa qodobo keeni kara in neerfaha wajigu ay dhaawacmaan .

CALAAMADAHA LAGU GARTO IN DAREEN-WADKA WAJIGU UU DHAAWACMAY.

Dadka ka dhaawacmay neerfaha wajiga waxa ay muujiyaan calaamado aan qarsoomayn oo aad ka dheehan kartid wajigiisa .

  • Qofka oo aan awoodayn in uu dhaqaajiyo muruqyada wajigiisa.
  • Qofka oo yeesha qalooc afka ah.
  • Qofka oo joojin kari wayaa muruqyada wajiga oo lagu arko muruqyada wajiga oo dhaqdhaqaaqaya.
  • Muruqyada afka iyo indhaha oo dhaqdhaqaaq badan lagu arko .
  • Codka dhagaha soo gaadhaya qofka muruqyadu ay dhaawacmaan sifiican uma maqlo ama cod aad u xoogbadan ayaa dhagihiisa gaadha.

DAAWEYN.

Hab-daaweynta neerfaha wajiga ee dhawacan maaha qaar iyagu iskood uga soo kabta dhaawaca soo gaadha.

Waxa qofka loo sameeyaa:-

  • Duugis (physiotherpy).
  • Jimicsi wajiga ah.
  • Hab-qalniin oo dhakhtarada takhasusaadka sare ee neerfaha ayaa qalniin u sameeya qofka dhaawac uu kasoo gaadhay neerfaha wajiga.

Xasuusin.

Bukaanada ay dhaawacanyihiin neerfaha wajigu waxa muhiim ah in loo sameeyo jimicsi wajiga ah oo lala kulansiiyo dhakhtar takhasus u leh .

Sida dadka faaliga iyo juguhu ay ka dhaawaceen neerfaha wajiga.

W/Q mohamed ibrahim.