Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Caafimaadka iyo badqabka ciyaartoygu waa muhiim si uu unoqdo qof maskax ahaan caafimaad-qaba jidh ahaana bad-qaba.
- NAFAQADA.
Cunida cunto-sax ah oo isku dheeli tiran,ka kooban 4 cunto ee kale ah :-
- Sonkor .
- Dux.
- Barootiin.
- Fiitamiino.
Afartan cunto waa afarta aas-aaska u ah cuntooyinka iyo nafaqooyinka.
2. BADQAB DHAMAYSTIRAN .
Si loo yareeyo xanuunada kusoo boodada ah waa in ciyaartoygu uu maro shaybaadho xaaladiisa caafimaad ka warbixiya waxa ugu muhiim-san inuu iska eego:-
- Beerka.
- Kelyaha.
- Wadnaha.
- Muruqyada iyo awoodda lafaha.
Hadii uu u baahan-yahay fiitamiino ama nafaqooyin waxa laga ogaanayaa shaybaadhada uu maro 6 biloodba mar iyo lakulanka dhakhtarka oo aad muhiim u ah si loo siiyo talooyin caafimaad.
Xanuunada lagu arko carko ciyaartoyda waxa ka mid ah:-
- Canbaarta(fungus).
- Jooniska.
- Gaastarida.
- Xanuunada hawo-mareenka ku dhaca.
- Xanuunada nafaqo-darada.
Yaanu-dhayalsan ciyaartoygu inuu eegto xanuunada wadnaha iyo hawo-mareenka ku dhaca si aanu xaalad emergency-ah aanu u galin.
Marka ay la kulmaan xanuunadan waxa muhiim ah in ay dhakhtar arkaan si looga hortago xanuun faafa.
3. BIYO-BADAN .
Cabidda biyo kufilan waxa ay ka ilaalinaysaaa fuuq-baxa ,awood dheeriya iyo maqaar quruxbadan ayey u yeelaysaa qofka ciyaartoyga ah .
Maadaama ciyaartoygu uu luminayo biyo-badan(dhididayo) waa in uu helo fuuq-celin degdeg ah.
30-40 daqiiqo ka hor in ciyaartoygu uu cabitaan uu sameeyo aad ayey muhiim u tahay,isaga oo aan badsanayn.
4. NADAAFADDA.
Nadaafadu waa badqabka ciyaartoyga maadama uu jidhkiisu uu furanyahay oo uu saarayo qashin(dhidid) waxa muhiim ah in uu ilaaliyo nadaafadiisa,qodobadan ayaa muhiim ah in uu ciyaartoygu uu ilaaliyo.
- Kabaha-kubaddu waa kabo adag oo kulul waxa ay ubaahan yihiin inaad laydhiso ,sharabaadado nadiif ahna u xidhatid .
- Kabaha kubadda ama jimicsiga ku samaynaysid cidna hala wadaagin.
- Garanku inuu nadiif ahaado weeyi oo aanad cidna lawadaagin .
- Dharka ciyaartoyga in aan lagu dhex darin-dharkale si loo ilaaliyo badqabka ciyaartoyga.
- Tuwaalka iyo saabuhuunu waa in ay ciyaartoyga u gaar-noqdaan .
Nadaafadda ciyaartoyga marwalba oo la ilaaliyo waxa kor looqaadayaa badqabka caafimaadka maqaarka ciyaartoyga.
5. KA HORTAGGA DHAAWACA.
Dhaawaca ciyaartoyga waxa lagaga hortagi karaa ,hadii uu dhaawacnaa sida muruq,seed ama jugo-lafeed in aan ciyaartoyga la ciyaarsiin ama la jimicsiin.
Hadii uu jug soo gaadho ciyaartoyga tallaabooyinka raac:-
- Hadii gacanta ama lugta uu nabar kasoo gaadho ,fiiri nabarku in dhiig kasoo baxayo ,hadii dhiig uu kasoobaxayo waa in dhiigga aad joojiso adiga oo maro nadiif ah ku cadaadinaya korna u taagayah gacanta ama lugta.
TALO.
- Goobta garoonka waa in laga helo agabka gargaarka degdega ah.
- Goobta waa in laga helo qof ku tabobaran gargaarka degdega ah.
- Lataliye caafimaad oo ka arimiya badqabka caafimaadka ciyaartoyda iyo tabobarayaasha.
- Sanadkii in loo sameeyo shaybaadh badqabeed si loo hubiyo caafimaadkooda.
W/Q mohamed ibrahim .