5-CALAAMADOOD OO TILMAAMAYA INAAD FUUQ-BAXSANTAHAY.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Fuuq-buxsanaantu maaha oo kaliya qofka oo shubma ama mantaga ,waxa sidoo kale fuuq-baxa qofka oo dhidid badan yeesha sidoo kalena aan biyo cabin.

Noole walbaa waxa uu u baahan yahay biyo uu noloshiisa ku ilaaliyo ,si uu usii noolaado.

Marka qofku baahi badan uu u qabo biyaha waa xilliyada ay jiraan :-

  • Mantagga.
  • Shubanka.
  • Xumadda.
  • Macmacaanka marka uu qofku uu cuno .

Hab-dareenka haraadku waa mid ku salaysan habdhisyo isku dhafan , warbixino caafimaad ayaa lagu sheegay in haraad hadii uu jiro in aanu jidhku badqabin oo xanuun u jiro.

medlineplus waxa ay soo bandhigtay fuuqbuxu in aanu kaliya ahayn qofka oo waaya biyo ee ay tahay qofka oo sidoo kale waaya macdanaha jidhka sida sodium,magensium ,calcium ,,,,

CALAAMADAHA LAGU GARTO FUUQBAXA. WAXA KA MID AH:-

  1. Afbuuq/af-ur.

Candhuufta waxa laga helaa dareere dila bakteriyada ,hadii qofku aanu cabin biyo ku filan ,afku waxa uu noqdaa mid qalalan oo ma helo candhuuf ku filan ,taas waxa ay kordhinaysaa bakteriyadii qofkii waxa uu yeelanayaa afbuuq ama af-ur.

2. Maqaarka oo qalalan .

Maqaarka oo qalalan waa astaan muujinaysa in uu maqaarkaagu uu ubaahan yahay biyo.

3. Muruq xanuun .

Marka maqaarku uu lumiyo biyo, way adagtahay in uu isagu uu is qabuujiyo , Muruqu marka uu wax-qabto hadii qofku biyo kufilan aanu jidhkiisu haysan way adagtahay kulaylka muruqa kasoo baxayaa in si fudud uu u qaboobo.

4. Xumadda iyo gariirka.

Xumaddu waxa ay keentaa fuuqbax laga werwero ,Marwalba oo xumadu so noqnoqoto waa marwalba oo qofku halis uu ugalo fuuq-bax oo biyo badan ay ka baxaan jidhkiisa.

5. Madax-xanuun.

Fuuq-baxa sahlan ayaa sababa madax-xanuunka.

Cabidda hal koob oo biyo ah ama in kabadan ayaa keeni karta in madax-xanuunku uu kaa baaba’o.

SIDEED KU XALINKARTAA FUUQ-BAXA KUGU DHACAY?

  • Cabitaanka ORS isticmaal.
  • Biyo kugu filan qaado oo ku haboon miisaankaaga.
  • Xumadda isticmaal kaar-jabiye paracetamol hadii aanad lahayn xanuunada jiitama.
  • Shubanka iyo mantaggu waa labada ugu waaweyn ee keena fuuqa baxa xilli-hore goob caafimaad tag.
  • Talo-dhakhtar marwalba raac.

Mahadsanid.