Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Duxda/subag badan hadii aad qaadatid waxa dhici kara xanuuno sida beer-subag,xanuunada wadnaha iyo dhiikar.
Beer-subag.
Bile-maadada la yidhaahdo oo beerka laga soo daayo ayaa burburiya subagga, beerku marka u sifiican u shaqayn waayo waxa dhiigga lagu soo daayaa xaddi badan oo subag ah oo ku samaysma xidida halbowlayaasha ah ee wadnaha iyo qaybaha jidhka.
Beer-subaggu waxa uu dhacaa marka subag-badan uu ku ururo unugyada beerka .
Dhiikarka.
Xidhiidhka ka dhexeeya dhiikarka iyo duxdu waa mid aad u sareeya.
Duxdu waxa ay ku dhegaysaa hareeraha xididada ,cadaadis xoogan ayaa dhiigga lagu dhex marinayaa ,xididkii waxa uu noqonayaa mid adag kadib cadaadiska dhiigu uu saraysmayaa qofka waxa lagu arkayaa calaamadaha dhiikarka.
Faaligga.
Subaggu hadii uu saraysmo,xididada maadama subag badan uu ku samaysmayo ,subagaas hadii uu fuqo waxa uu xidhi-karaa xidida yaryar ee maskaxda ,xididkaa yar ee uu xidho waxa uu dhiigi markaa ka joogsanaya meelihii uu siinayey dhiigga ,nafaqada iyo hawada(oxygen) qofkaa waxa la odhanayaa faalig ayaa ku dhacay ,waxa loo yaqaanaa ischemic stroke.
Sanbabada .
Duxdu hadii dhiiga ay ku saraysanto ,xididada dhiigga qaada way raaci kartaa ,taas waxa ay keenaysa in tiftaafyada yar-yar ay xidho ,oxygen-tu ay sifiican u gaadhi waydo unugyada,waxa loo yaqaanaa pulmonary embolism.
Qofka waxa lagu arkaa neef-qabatow deg-deg ah.
Lugaha.
lugaha iyo gacmaha xididada waaweyn ee kuyaala ayuu subagan ururay xidhi karaan ,qofka waxa lagu arkaa barar ,lugta oo madoobaata oo ka madow ta kale, cassaan badan iyo xididada oo soo baxa,waxa loo yaqaana deep vein thrombosis.
DUXDU HADII AY SARAYSANTO MAXAA LAGU GARTAA?
Duxdu hadii ay saraysanto laba sababood ayaa keenaya:-
- Dux uu qofku qaatay oo badan ,taas oo beerkiisu uu burburin kari waayey.
- Dux ka timid oo sababeen xanuunada jiitama sida macaanka ,dhiikarka,thyriodka iyo HIV/AIDS.
Calaamadaha lagu garto in kolestoroolku uu sareeyo.
- Cadcadaan yaryar oo huruud ah oo indhaha hoostooda iyo korkooda lagu arko.
- Saxaro-aad u jilicsan oo aan muujinayn wax-caabuq ah.
- Dibiro .
- Miisaanka oo aad usareeya.
- Qaraaca wadnaha oo sareeya .
- Laab-xanuun daran .
Calaamadaha ugu waaweyn :laab-xanuunka,miisaanka oo sareeya iyo cadcadaan yaryar oo indhaha dushooda ku samaysma.
YAA HALIS UGU JIRAH KOLESTOROOLKA?
Qodobadan waxa ay kordhin karaan kolostoroolka :
- Cunto aan fiicnayn ,duxda badan waxa ay keentaa in qofka kolestoroolkiisu in ay saraysanto .
- Miisaan ka oo saraysama – Body mass index: marka la isku qaybiyo miisaanka iyo dhererka hadii uu ka bato 30 waxa halis qofkaasi uu ugu jiraa kolestorool.
- Jimicsi la’aan.
- Sigaar cabistu waxa ay keenta in ay kor noqoto xadiga subagga.
- Da’da : caruurta yaryar waxa ay haystaa duxda aan wanaagsanayn waayo beerkoodu iskama saari karo .
- Xanuunada jiitama dadka leh sida macaanka,dhiikarka iyo wadne-xanuunka.
SHAYBADH MA LEEYAHAY KOLESTOROOLKU?
Haa,shaybaadh ayuu leeyahay ,qofka waxa la eegaa isaga oo aan waxba soo cunin(subaxda hore).
Waxa loo yaqaana lipid profile,faahfaahin waydii dhakhtarkaaga.
SIDEED UGA HORTAGI KARTAA KOLESTOROOLKA?
- Jimicsi fiican samee.
- Lugtu waxa ay duxda ka dhigtaa mid jidhku uu isticmaalo.
- Cunto duxdu ku yartahay isticmaal.
- Cunto dhamaystiran isticmaal oo ka kooban 5-ta cunto .
- Yaree xadiga duxda xoolaha.
- Yaree cabitaanka sigaarka.
- Isku-buuqa ka fogow xakamee caqabadaha kugu xeeran ee keenaya fikirka badan.
Hadii aad calaamadaha xaaladaha degdega ah aad dareentid fadlan dhakhtar la tasho.
W/Q mohamed ibrahim.