Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xanuunada badanaa lagu arko xubinta taranka ragga aad ayey u badan yihiin ,waxa aynu usoo qaadan doonaa mid mid.
- Xanuunka peyronies.
Xanuunkan baruur caddaan ah ayaa kudul-samaysmaysa dusha sare ee xubinta,xanuunkan waxa uu bedelaa qaab-dhismeedkii xubinta taranka oo uu ka dhigo mid qaloocda.
Baruurtaas caddaanka ah waa mid adag oo saameyn ku yeelanaysa muruqyada xubinta oo ku keeni karta in uu sifiican biyaha uu u tuuri kari waayo xilliga galmada.
Calaamadaha lagu garto.
- Kaar .
- Barar xubinta dusheeda ah.
- Qalooc xubinta ku yimaada.
- Biyo-bax degdeg ah.
- Xubinta oo gaabanaysa.
Xanuunkan raggu way sahal sadaan taas waxa ay keenaysaa in ay gaadho-xaalad waxlaga qaban kari waayo oo keeni karta ma dhalaysnimo,1–11 mid ka mid ah ragga ayaa lagu arkaa.
Maxaa sababa xanuunkan?
- Dhaawac soo gaadha xubinta.
- Xidida dhiigga gaadhsiiya oo mid kamid ah uu xidhmo.
- Caabuq ku dhaca muruqyada dusha ka mara xubinta.
Khadar miyuu yahay!
Maaha khatar oo baruurta yar ee dusha kusamaysantahay maaha kansar.
Ma saameynayaa isku imaatinka ninka iyo ragga?
Haa , maadaama uu gaabanayo xubintu ,sidoo kale muruqii sida fiican ukale baxayey uu meesha cadaadis dushiisa uu saaran yahay makale bixi karo ,biyo fiicanna ma tuuri karo ,waxa lagu arkayaa in ninku uu degdeg u biyo baxo.
Sidee lagu xaqiijiyaa xanuunkan?
Dhakhtarka xanuunada guud sifudud ayey u xaqiiqsan karaan ,maadaama ay samaynayaan baadhitaan oo ka kooban eegid xubinta ah iyo taabasho.
Maloo diri karaa X-ray iyo Ultrasound?
Haa,si loola socdo dhiiga soo gaadhaya xubinta.
SIDEE LOO DAAWEEYAA?
- Umada wada baahna qalniin.
- Qaloocaas xubinta ku yimid hadii uu ka badan yahay 12 bilood qofkaasna ay ku adagtahay in uu ijtimaac sameeyo qalniin ayuu galayaa cadaadiska lagaga dulqaado.
Hadii aad isku aragtid fadlan dhakhtar laxidhiidh,arin la sahlan karo maaha.
Caafimaadka.