Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Immisa saacadood ayaa habboon carruurtu in ay seexdaan?
Hurdadu waa mustaqbalka carruurta, aad bayna muhiim ugu tahay, hurdo la’aantuna badiyaa kama muuqato; laakiin waxa ay si taban u saameysaa maskaxdooda, awooddooda waxbarasho iyo cimrigooda inta ka dhiman.
Tiknoolojiyaddu waxa ay sababtay in ubbad yaryar oo badan hurdo la’aani ku dhacdo, subixiina daal la soo kacaan, oo ay dugsiyada tegaan iyaga oo seexday keliya 6 ama 7 saacadood.
Illaa da’da 12 jirka, waxa fiican carruurtu habeenkii in ay seexdaan ugu dambeyn 10ka habeennimo, ugu yaraanna 10 saacadood. 1-2 saacadood ka hor inta aynna seexanna laga fogeeyo waxyaabaha kharribaya tayada hurdada ee hoos u dhigaya hoormoonka melatoninka sida; taleefan, teleefishan, kombuyuutar, tablet, playstation, İWM.
W/Q khalid odowaa.