Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Qufaca habeenkii oo soo noqnoqda waxa keena xaalado sahlan oo lasoo darsa caafimaadkaaga.
- Qashin ama dareere habeenkii xidha hawo,mareenka inta sare.
hawo-mareenka inta sare waxa loo yaqaan sanka,afka iyo dalqada.
dareerahaa xidhaya waxa uu keena saxasho joogto ah iyo qufac halis badan .
hadii aad duray iyo xanuuno caabuqa laabta ku dhaca aad yeelatid waxa ay keenaysaa in aad habenki qufac badan aad yeelatid ,waa xaalad halis ah oo keeni karta neef-qabatow degdeg ah.
qofka weyn iyo qofka yar labada waa u halis ha dhayal-san.
- Xanuunka esophageal reflex disease.
Aysiidha caloosha waxa lasoo daayaa marka caloosha cunto ay gasho ama cabitaano,hunguriga iyo caloosha waxa u dhaxeeya albaab yar oo u ogolaada cuntada in ayna dib ugu soo noqon hunguriga ,albaabkaas ayaa jilca ,cuntadii aysiidha lahayd ee la burburinayey ayaa dib ugu soo noqota hunguriga,qaaca aysiidha ee kasoobaxaya caloosha ayaa soo gaadhaya halka codku uu kasoo baxo ee loo yaqan vocal cords,kadib qufac ayaad yeelanaysaa.
3. Daawooyinka qaar ayaa keena qufac-habeenkii ah .
Daawooyinka qaar ayaa ceebtoodu(side effect tigoodu uu yahay qufac), ACE inhibitors daawooyinka loo yaqaan ee lagula tacaalo xanuunada wadnaha iyo dhiikarka ayaa ah qaar qufac leh oo qofku marka uu in muddo ah uu isticmaalo uu isku arki doonaa qufac xilli walba ah .
4. Wadnaha oo shaqada gaba.
Heart failure waa wadnaha oo shaqada gaba oo sifiican u tuuri waaya dhiigga,qofka wadne xanuunka leh calaamadaha habeenkii uu isku arko waxa ugu weyn qufac qalalan.
QODOBADAN HADII AAD ISKU ARAGTID MAXAA XAL AH?
- Dhakhtarkaaga xilli hore la kulan.
- Daawooyinkaaga ha joojin sida daawooyinka dhiikarka iyo wadanaha loo qaato ee keenaya qufaca.
- Cuntadaada xilli hore qaado hadii aad leedahay xanuunka gaaska.
- Neef-qabatow hadii aad leedahay dhabarka birkin soo gasho .
- Hadii qufucu uu kugu badan yahay ,sonkorowna aanad lahayn waad isticmaali kartaa malab halqaado ama laba qaado.
Dhakhtarkaaga la tasho.