Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xiiqdu waa xanuun jiitama ,tuunbooyinka hawadu dhex qulqulayso ayaa dhuudhuubnaanaya ,hawadii ayaa gidaarada ku dhacaysa oo cidhiidhi gasha waa sababta qofku uu codkaa fodhida ah uu uga dhex maqlo laabtiisa weeyi.
Daawooyinka xaaladda degdeg ah loo isticmaalo xiiqda waxa ka mid ah daawada la isku buufiyo ee loo yaqaano salbutamol.
Goorma ayaa la isticmaala ?
Xilliga la isticmaalayo waa xilliga neeftu qabato qofka ,hadii uu dhakhtarku daawooyin kale uu u qoray waa uu ku lamaanaynayaa.
- Neeftu marka ay ku adkaato in uu qofku uu qaato.
SIDEE AYAA LOO ISTICMAALAA?
- Marka koobaad waxa aad eegtaa daawadu in ay tahay tii kugu haboonayd ee uu dhakhtarku uu ku qoray.
- Taariikhda lasoo saaray eeg.
- Kadib galka kasoo saar.
- 3 jeer lux daawada.
- Kadib afka gali halka furka/nadhka ka saartid .
- Dibnaha sifiican uga buuxso,neefsashada sankana yar jooji.
- Saddex jeer isku buufi ,samee sida liqi taan.
Muddo 30 daqiiqo ah sug ,kadib hadii aad dareento calaamadihii neefqabatow,foodhi laabta ah iyo degenaanshiyo la’aan aad goob caafimaad.
Caruurta yar yar sidee ayaa loo siiyaa?
Laba hab ayaa lagu siiyaa iyada oo uu qofku isticmaalayo:
- Medered dose inhaler(MDI).
- Nebulizer machine.
MEDERED DOSE INHALER(MDI).
- marka aad daawada salbutamol inhaler buff u isticmaalaysid kaliya daawada ayaad soo qaadanaysaa iyo spacer ka oo ah caaga ,kadib xaga danbe ayuunba daawada kasoo galinaysaa 3 jeer ayaad ku buufinaysaa ama hadba inta uu dhakhtarku uu kuyidhaa sii.
NEBULIZER MACHINE.
Machine-kan waxa aad soo qaadanaysaa marka aad isticmaalaysid:-
- Nebulizer machine ka.
- nebulizer mask-ka oo da’walba leh oo machine ka la socota.
- Daawada salbutamol oo liquid ah .
- Biyo lagu barxayo oo qiyaas ahaan laga soo qaadanayo 2.5ml.
- Koobka maska ku xidhan oo leh cup ka ayaa lagu wada darayaa daawada salbutamol nebulizer+biyaha milixda leh ee(normal saline 2.5ml) .
- Kadib fiishta/bareesada lagalinaya .
- Qiiqan oo kale waa in mask uu kasoo baxo:
Qiiqaas ayuu qofku uu qaadanayaa oo ah daawadii kadib sidaas ayuu ku qaadanayaa dawada ,culayskiina uukaga baaba’ayaa neef qabatowgu.
Qofka weyna waaloo isticmaalaa mechine-ka nebulizer ka.
Hadii uu isbedel ku dareemi waayo waa in goob caafimaad degdeg loo geeyaa.
Marka aad dhamaysatid daawada qalabka aad isticmaashay waa in aad nadiifisaa.
Xiiqdu waxa ay ku galin kartaa xaalad emergency ah fadlan ka digtoonow oo daawadaada sido marwalba ama haku agtaalo.
@Caafimaadka