Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
𝗜𝘀𝘁𝗶𝗰𝗺𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗞𝗵𝘂𝗱𝗮𝗮𝗿𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮:
Haya’adda Caafimaadka Adduunka ee loo yaqaano(WHO), waxa ay ku talisay in maalinkasta la Cuno Khudaar qiyaasteedu noqonayso 𝟒𝟎𝟎 𝐠𝐦 Taas oo faa’ido aad badan u leh Nafaqada iyo Caafimaadka Qofka.
𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟎𝟏𝟕,Waxay dhintay ilaa 3.9 million oo qof adduunka, Sababaha ugu wayn waxay ku taxaluqaan inaanay isticmaali jirin xaddi ku filan Khudaarta kala Duwan.
Waxaa jira Xanuuno sababa Marka Jidhku Waayo l Xadiga Khudaarta ee kufilan Kaas oo ka yar inta Jidhkiisu u baahnaa, Waana kuwan: ilaa 𝟏𝟒% Dhimashada ay Sababto Kansarka ku Dhaca UUR KUJIRTA, Iyo 𝟏𝟏% Dadka Xididada Wadnuhu Xidhmaan, Iyo 𝟗% Dadka Faaliga/Stroke ku Dhaco…
𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗱𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗖𝘂𝗻𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗞𝗵𝘂𝗱𝗮𝗮𝗿𝘁𝗮 𝗞𝗮𝗹𝗮 𝗗𝘂𝘄𝗮𝗻:
1. 𝐂𝐚𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚: khudaartu waxa ay kor u qaada Nafaqada iyo Difaaca Caruurta waxaanay Qayb wayn ka qaadataa Kiritaanka Jidhka iyo Maskaxda Caruurta
2. 𝐂𝐢𝐦𝐫𝐢𝐠𝐚: daraasado badan oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday inay ka Cimri dheer yihiin dadka Isticmaala Khudaarta Dadka kale ee aan isticmaalin khudaarta.
3. 𝐗𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚/𝐃𝐡𝐢𝐦𝐢𝐫𝐤𝐚: Daraasado Badan ayaa lagu Ogaaday Dadka Khudaarta Ka badsada Xadiga loogu talo galay inaanay ku dhicin ama aad ugu yar yahay Xanuuada Maanka Sida Depression(NiyadJabka), Anxiety(nooc maanka ah oo keena Cabsi badan sida qofka oo Bulshada inuu la hadlo ka cabsada, inuu Dadka dhexgalo ka cabsada iwm)
4. 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗱𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗶𝗱𝗶𝗱𝗮: Waxaa la ogaaday in Isticmaalka Khudaartu ay hortagaan Cudurada Ku dhaca Wadanaha iyo Xidida.
5. 𝐂𝐮𝐝𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐧𝐬𝐚𝐫𝐤𝐚(𝐂𝐚𝐧𝐜𝐞𝐫): Qofka Khudaarta Isticmaala Waxaa ku Yar Cudurada Kansarka Noocyadiisu(Sambabka, Mindhicirka, Maladawka, Caloosha iwm).
6. 𝐁𝐮𝐫𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚/𝐂𝐚𝐲𝐢𝐥𝐤𝐚: Waxaa daraasado lagu Ogaadeen in dadka Isticmaala Khudaarta ay ku yar tahay inay yeeshaan Dux Badan jidhkoodu taas oo ku keenta Burnaan /Cayil Badan…
7.𝐃𝐡𝐞𝐞𝐟𝐬𝐡𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚: Dadka isticmaala Khudaarta kala duwan waxaa wanaagsanada Habka Dheefshiidkooda, Taas oo Yaraysa cuduro badan oo ku dhaca Sida Shubanka, Calool istaaga, iyo Cuduro kale.
8. 𝐃𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐉𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚: isticmaalka Khudaartu waxa uu Kobciyaa Difaaca Jidhka waxaanu Hoos u dhigaa Infakhsanada ku Dhaca Jidhka. Waxaanu Kor u Qaadaa Hore uga Bogsashada Xanuunada…
𝐅𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥 𝐊𝐡𝐮𝐝𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐃𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐬𝐢 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚𝐚𝐠𝐮 𝐔 𝐅𝐢𝐢𝐜𝐧𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐈𝐧𝐬𝐡𝐚 𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡.
Dr bashir dirie Jama.\
@caafimaadka.