XINIJIRTA DHIIGGU HADII AY YARAATO MAXAAN KU OGAANAYA(THROMBOCYTOPENIA.)

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Yaraanshiyaha platelets oo ah unugyada dhiigeena siiya xinjirta ayaa loo yaqaan thrombocytopenia.

1–9 daqiiqo ayaa ah sida caadiga ah in uu dhiiggu ku istaago meel walba oo jidhka ah ,hadii uu ku istaagi waayo waxa yar plattelets. 

Inta la rabo ee plattelets ah waa 150,000 to 450,000 platelets per microliter.

5% hooyooyinka uurka leh ayaa yeelan kara in xinjirtoodu ay hoos u dhacdo.

MAXAA HOOS U DHIGA XINJIRTA DHIIGA?

  • Hadii uu qofku uuka dhaxlo waalidkii,oo uu haysto xanuunada dhiigga ku dhaca ee xinjirta yareeya.
  • Xumadda dengue fever.
  • Daawooyinka qaar.
  • Kansarka dhiiga ku dhaca.
  • Caabuqa ku dhaca dhuuxa lafta.
  • Hadii uu caabuq uu ku dhaco,beerka iyo beer-yarta.
  • Qofka oo caba alcohol badan .

CALAAMADAHA LAGU GARTO QOFKA AY HOOSAYSO XINJIRTA (Thrombocytopenia).

  • Cirid dhiig.
  • Saxarada oo madoobaata.
  • Kaadida oo dhiig lagu arko.
  • Dhiig lagu arko mantagga.
  • Dhiigga caadada oo ka bata 7 cisho.
  • Finan cas-cas oo lagu arko lugaha.
  • Wareegyo iyo finan cas-cas oo lagu arko maqaarka.
  • Cassaan baahsan oo lagu arko maqaarka.
  • Dhiig-xagga danbe ah(dabada ka yimaada).

SHAYBAADH MALAGU OGAAN KARAA?

Haa shaybaadh ayaa lagu ogaadaa sidoo kale calaamadaha kor aynu ku xusnay.

Saddex shaybaadh ayaa la sameeyaa:-

  • Complete blood count.
  • Peripheral blood smear.
  • Blood clot test.
  • Bone marrow biopsy.

Daaweeynta dhakhtarku uu sameeyo kadib shaybaadhka aad ugu dedaal.

DADKA XUMADDA DENGUE FEVER AY KU DHACDO XINJIRTOODU HOOS MA U DHACAYSAA?

Haa, hadii xumadda xilli hore aan laga daaweyn .

Waxa aad muhiim ah xilli hore inuu qofku aado goob caafimaad si xal loogu heli karo ,xaaladda lasoo daristay ee xanuunka kaneecadu gudbinayso .

Xumadda dengue fever qofka ay ku dhacdo waa in la eego 3 cishoba maalin si loola socdo in xinjirtu ay hoos u dhacday iyo inkale.

SIDEE AYAAN UGA TAXADIRI KARAA ?

  • Hadii aad calaamadaha aad isku aragtid waa in aad shaybaadh martid si xilli hore loo daaweeyo ama tallaabo loo qaado.
  • Bad-qab ku ilaali noloshaada , nolol caafimaad leh ku noolow jimicso,cunto fiican cun,biyo kugu filan hel sidoo kale hurdo fiican seexo.
  • Hadii aad baad leedahay uma wanaagsan a caafimaadka raga ,yaree kadib jooji.
  • Daawooyinka sida Xanuun baabiyeyaasha yarayso ,waxa ay keenaan in dhiraagu u noqdo mid si fudud u dhiig bixi kara waxa keenaya in xinjirtu ay ku yaraato waa daawooyinka xanuun baabiiyeyaasha ah sida paracetamol,ibuprofen iyo aspirin.
  • Yaree waxyaabaha dhiig roorka kugu keenaya sida jimicyasiyada cadaadiska leh.

MAJIRAAN CUNTOOYIN KOR U QAADA XINJIRTA DHIIGGA?

  • Tamaandhada.
  • Saladhka.
  • Koostada.
  • Avocado.
  • Liin-dhanaanta.
  • Liin-macaanta.
  • Tufaaxa.

iyo geed walba oo cagaaran oo aynu quudano.

YAA HALIS UGU JIRA XINJIRTOODU IN AY YARAATO?

  • Dadka isticmaala xanuun baabiyeyaasha.
  • Dadka daawooyinka xinjirta hoos-udhiga qaata.
  • Cuntadaadu hadii ay isku dheeli tirnayn.
  • Iron-tu hadii ay kugu yartay.
  • Folic acid  hadii ay kugu yatahay.
  • Qofka daawooyinka kansarka qaata.
  • Xumadda dengue fever hadii ay kugu dhacdo.
  • Xanuunada hab-difaaca qaarkood ayaa keena.

DHIBAATOOYINKA LAGA DHAXLO HADII XINJIRTA(PLATELETS AY YARAATO).

  • Dhiig-bax.
  • Cas-casaan baahsan oo lagu arko maqaarka.

Dhiig-buxu waxa uu keenaa in qofku uu miirdoorsoomo oo maskaxda dhiiga gaadhayaa uu yaraado taas oo keenaysa in uu coma uu galo ,waxa markaa gudboon in qofka si degdeg ah goob caafimaad loo geeyo ,si xaaladdan degdega ah looga saaro.

Ha dhayalsan hadii aad yeelato dhiig soconaya mudoo 1-9 daqiiqo ah waa in aad si degedeg ah goob caafimaad u aadid.

@caafimaadka.

@mohamed ibrahim.