OMEGA-3 AMA SALIIDDA KALLUUNKA FAAIIDOOYINKAN AYAA KU DUUGAN:

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Wadnaha:

  waxa ay kor uqaadaa caafimaadka wadnaha,waxa hoos u dhaca subagga loo yaqaano triglyceride oo ku badan badanaa dadka macaanka qaba.

waxa ay hoos u dhigtaa samaysanka xinjiraha khatarta ku ah wadnaha iyo maskaxda sidoo kale waxa omega 3 ka hortagtaa qaraaca wadnaha ee aan caadiga ahayn.

Maskaxda:

Feejignaan ,xasuusta qofka oo wanaagsanaata ,waxa ay kor u qaadda caafimaadka gidaarada maskaxda .

Hoos u dhigidda heerka caabuqa:

Badqabka indhaha.

Docosahexaenoic acid(DHA) waa qayb ka mid ah omega 3 oo siisa indhaha nafaqo si badqabka qaybta aragtida indhaha retina u ahaato mid si wanaagsan wax u aragta caafimaadkeeduna uu u ahaado mid badqabta.

Hooyada uurka leh iyo xilliga uurka hore:

DHA oo ah qayb ka mid ah omega-3 ayaa ka caawisa ilmaha yar in maskaxda iyo qaybta indhuhu si hore ah ugu koraan ,hooyada uurka leh aad ayey ugu muhiim tahay ilmaha iyo hooyadaba.

Kale-goysyada:

Waxa ay siisaa labada muruq halka ay iskugu imaadaan awood iyo is-haysasho ,taas oo awood siinaysa carjawda iyo seedaha.

Cuntooyinka laga helo omega-3.

  • kalluunka qaybihiisa kale duwan.
  • Beedka.
  • Khudaarta cagaaran.
  • Biiniska iyo qaybihiisa.

Habka kale ee lagu heli karo waa kiniini oo maalintii aad hal xabbo isticmaalaysid.

Omega -3 dadkee ayey u wanaagsan tahay:

  • Dadka macaanka/sonkorowga la nool.
  • Dadka xanuunada wadnaha la nool.
  • Dhalin yarada gymta iyo jimicsiyada kale duwan ciyaarta.
  • Dadka waaweyn.

Qof walba uu u baahan yahay in uu helo omega-3 ku filan.


@caafimaadka.net

by mohamed ibrahim