RAMADAN KARIIM:QODOBO U MUHIIM AH QOFKA SOOMAN.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Soomka ramadaan si uu kugu noqdo mid caafimaad ahaan kuu wanaagsan qodobadan niyadda ku hay.

  1. Haka tagin suxuurta.

Suxuurtu waa awoodda iyo tamarta aad maalintaa iskaga xajin kartid hawlaha aad wajahayso.

Haddii aad ka tagtid suxuurta oo aanad cunin ,waxa ay kugu keenaysaa caafimaad darro iyo miisaan dheeriya oo ku fuula ,xilliga aad afurtid ayaa qasab ah in aad cuntid cunto badan.

2. Aftirka cunto-badan ha cunin.

Cuntada badan waxa ay kugu keenaysaa neefsi la’aan,dheefshiidka oo khalkhala iyo miisaan dheeriya.

3. Jooji cuntooyinka la shiilo ee milixda iyo saliidda leh.

Saliidda iyo milixdu waa mid qofka ku kicisa cillad caloosha ah uma wanaagsana qofku in uu ku afuro.

4. Dareere kugu filan cab inta u dhaxaysa afurka ilaa suxuurta.

Dareere kale duwan sida caano,khudaarta cagaaran iyo biyo waa mid u dhamaystiraysa nafaqo ahaan aadna aad ugu baahan tahay.

5. Marka aad dhamaysatid cuntada socsoco 30 daqiiqo ugu yaraan.

Ramadan karim.

@caafimaadka.net