DHIIG LA’AANTA AY SABABTO HOOS U DHACA MAADADA IRON.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Dhiig la’aan waxa ay timaadaa  marka hoos u dhac uu ku yimaad heerka maada HEMOGLOBIN ,hemoglobin waa maad ka samaysan protein oo inoo xanbaarta unugyada cas-cas iyo hawada oxygen.

Dhiig la’aanta ugu badan ee dhacda waxa sababa qofka oo sifiican u qaadan maadada iron .

SIDEE AYEY IRON-TU HOOS UGU DHICI KARTAA?

Dhiigga caadada:- 

Gidaarada la burburinayo xiliga aanu dhicin bacrimin dhiig badan ayaa lagu sameeyaa gidaarada  ilmo galeen,dhiigga badan ee dibadda loo saarayo waxa uu sababi karaa in dhiig la’aan baahsan ay dhacdo.

NAFAQO DARRO:-

Nafaqo darradu waa astaan muujisa ama qofka u sahasha xanuun walbah in uu ku dhici karoh ,sababtuna ay tahay heerka awood difaaca jidhka oo aan aad usii xoog badnayn.

Cunto  aan isku dheeli tirayn hadii uu qofku uu qadan waayo  waxa lumaya isku dheeli tirnaanta macdanaha jidhka sidaa fudud ayaa uu qofku ku lumin karaa IRON badan taasna waxa ay usii sahli kartaa in dhiig la’aan ay ku dhacdo.

XANUUNNO.

 Xanuunada  badankoodu  waxa ay sababan  dhiiga oo hoos udhaca ,sababta ugu weyn waxa ay tahay ,habkeena difaac ee ALLE inoo sameyey ayaa qaar ka mid ah loo yaqaan MACROPHAGE ,waxa dushooda ku kaydsan IRON aad   ubadan  jidhkuna uu aad u isticmaalo,hadii xanuun uu imaad macrophage ka waxa ay  ka qayb qaadanayaan  in jidhka laga difaaco xanuun dhaliyaha ,kadib waxa meesha lagu burburinayaa  macrophage  aad ubadan  kadib iron ta halkii lagu kaydinayey oo ahay macrophage ka dushiisa meesha way ka baxaysaa.

HOOYADA UURKA LEH.

Hooyada uurka leh waa dadka mudan in xaaladooda lala socdo haday noqoto heerka sonkorta,dhiigarka iyo dhiigga.

Hooyada uurka leh dhiig la’aan aad ubaahsan oo ay sababto iron ta oo hoos udhacda ayaa lasoo darista .

Sababtuna ay tahay ilmaha samaysankiisa,cunto xumada ay ka baqanayso in ay  ku mantagto waxa ay hoos dhigayan dhiiga.

MAXAA SABABA .

  • Qaadashada cunto aan dheeli tirnayn.
  • Mindhicirada iyo meelaha laga nuugo iron ta oo aan sifiican ushaqayn.

HALIS YAA UGU JIRA ?.

  • Hooyada uurka leh.
  • Dadka isticmaala cunto aan dheeli tirnayn.
  • Ilmaha aan sadkiisa dhalan.
  • Dadka khudaarta kaliyaata isticmaala.

CAWAAQIB XUMO MAKA DHALAN KARTAA?

Haa way ka dhalan kartaa.

Qaraaca wadnaha oo is bed-bedela taas  ay sababi karto wadnaha oo ballaadha  iyo wadno xanuun.

Hooyada uurka leh.

 Waxa ay hooyada uurka leh kale kulmi kartaa in ay dhasho ilmaha oo aan wakhtigiisa dhamaysan iyo ilmo aan miisaankiisu aad uu u hooseeyo.

KA HORTAG.

Qofka oo isticmaala cunto dheeli tiran.

Hadii aanad cunto dheeli tiran isticmaalin ,waxa aad isticmaali kartaa fiitamiinada ku jira dhalooyinka.

DAAWEYN.

Iron supplements,  waxa ay ka kooban yihiin daawo kasamaysan iron   qofka waxa uu isticmaalaya xabbad subaxa iyo habeenka.

CUNTO DHEELI TERIN, cuntada aad qaadanayso  oo ka koobnaata :-khudar,hilib ,kalluun iyo sharaab .

Mahadsanid.

Diyaariye: mohamed ibrahim.

@caafimaadka.net