Calool-istaagga iyo mushikiladaha ku xeeran.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Calool socod laan,dibiro joogto ah,jawaab degdeg ah oo aad waydo marka aad waxcunto 4 saacadood kadib ayaa ah cilad weyn oo ka jirta habdhiska-dheef mareenka.

Dhibaatooyinka uu keeno calool istaaggu waxa ka m id ah :

1. Degenaanshiyo la’aan caloosha ah iyo casiraad.

2. Saxaradu in ay xidho mindhicirada.

3. Babaasiir samaysanta.

4. Saxarada ku adkaata mindhicirada waxa ay keeni karta in cadaadis uu fuulo kadi-haysta taas ay keento in qofku uu kaaji kariwaayo.

5. Waxa hoos udhacaya doonista cuntada.

6. Heerka nafaqo ee qof ku hoos ayuu udhacaa.

7. Calool istaaggu waxa uu badiyaa heerka caabuqa ee mindhicirka.

8. Calool istaagga jiitama waxa lala xidhiidhiyaa xanuunada wadnaha ku dhaca.

9. Calool istaaggu waxa uu bedelaa hab-fikirka qofka iyo dabeecadiisa ,badanaa waxa uu ka dhigaa qof dabeecad adag,fikir badan marmar waxa lagu arkaa cabsi joogto ah.

Sidee ayaa loo daaweeyaa calool istaagga?

– In qofka lasiiyo daawooyinka calool jilciyeyaasha sida Bisodyl,lactulose iyo saabuunta xagga danbe qofka laga shubo.

– In qofka loo saxo xilliyada uu cuntada uu cunayo ,tusaale ahaan in habeenki xilliyada danbe aanu cashayn.

aanu ku cashayn cuntooyinka caloosha ku raaga sida hilibka,digaaga iwm.

In qofku uu isticmaalo cuntooyinka wadaniga ah sida shuurada,heedda,basada iwm. Qofku in uu socdo,lugeeyo sidoo kale uu gucleeyo,jimicsigu dheef-shiidka uu u wanaagsan yahay. Khudaarta cagaaran ,oo uu qofku uu badsado.

Cuntooyinka sonkortu ay ku badan tahay oo uu qofku uu yaraysto. Hadii qofka xanuun uu ku keenayo calool istaagga sida macaanka,beer subagga iyo xanuunada kale in uu dhakhtarkiisa uu la wadaago. Caruurta yaryar ee calool istaagga leh waxa muhiim ah in Meesha laga saaro waxa ku keenaya sida caanaha iwm. Marwlaba dhakhtar ku xidhnow.