Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Khataraha inagu gadaaman ayaa ah kuwa bulsho ahaan inagu hareeraysan sida shaqooyinkeena,qaabka aynu u noolnahay ,dhaqan dhaqaalaha aynu haysano.
Wakhtigan aynu joogno waxa aad u badan xanuunada jiitama ee aynu kadhaxalno waalidkeen ama qaraabadeena, sidoo kale waxa iyaguna kordhay xanuunada ka dhashay sida aynu u noolnahay .
Halisaha inagu gadaaman ee dadkeenu kawar hayn waxa ka mid ah:-
– Dadka macaanka lanool ,halis waxa ay ugu jiraan xanuunada kelyaha,faaligga,caabuqa nabarada iyo xanuunada wadnaha.
– Dadka subagga leh waxa ay halis ugu jiraan,xanuunka faaliga,xanuunka dhiikarka,xanuunada sanbabada ee xinjirtu ay sababto iyo xanuunada wadnaha.
– Dadka dhiikarka leh waxa ay halis ugu jiraan xanuunka faaligga,xanuunka macaanka,kelyo xanuunka iyo xanuunada ku dhaca xididada.
– Dadka lanool xanuunka xiiqda,waxa ay halis ugu jiraan neef qabatow degdeg ah .
Qofwalba waxa uu hiddo uu u leeyahay xanuuno waalidkii ama qaraabadoodu ay leeyihiin sida :-
– Macaanka.
– Dhiikarka.
– Tayroodhka.
– Xanuunada wadnaha.
– Xanuunada beerka.
– Xanuunada dhiiga kudhaca.
– Xanuunada hiddo sidayaasha ku dhaca.
Iyo xanuuno kale oo badan .
Waxa aad muhiim u ah inaad taqaano xanuunada aad hiddaha u leedihiin iyo sida looga hortago.
Talo:-
– Hurdo fiican oo laseexdo.
– Hadii uu xanuun la nool yahay sida macaanka iyo dhiikarka qofka oo cabirkiisa iyo daawadiisa ilaaliya.
– Sonkorta badan oo la iska yareeyo.
– Subagga iyo duxda badan oo la iska yareeyo.
– Qofka oo talaal qaata sida xanuunada faafa.
– Qofka oo malintii 150,000 tallaabo qaada.
– Qofka oo soonka ilaaliya usbuuci iyo bisha ramadan.
– Qofka oo yeesha jadwal cunto.
– 6 biloodba mar oo aad jidhkaaga badqabkiisa eegto -is shaybaadho .
Ayaa ah xalka caafimaad ee aad kaga badbaadi karti khataraha kugu gadaaman.
W/Q Mohamed ibrahim.
Mahadsanid.