Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Vitamin E waa mid ka mid ah fiitamiinada aynu ka helno dhirta.
Faaiidooyinka uu uleeyahay jidhkeena waxa ka mid ah in uu jidhka ka yareeyo sunta kaga imanaysa dibadda ,cuntada ha ahaato ama daawooyinka.
Wadnaha waxa uu ka ilaaliyaa sunta iyo caabuqa badan ee muruqyada ku dhaca.
Iskubuuqa ,fekerka badan iyo xasuusta oo qofka ka guurta ayuu daawo u yahay fiitamin E .
Waxa uu ka hortagaa caabuqa iyo xanuunada ku dhaca maqaarka sida in falaadhaha cadceddu ay dhaawacaan maqaarkeena.
Caabuqa ku dhaca qanjidhka ragga ee prostate kaas oo ka masuula taranka ninka ayaa uu faaiido u badan uu u leeyahay ,waxa uu yareeyaa caabuqa ku dhaca iyo kansarka ku dhaca qanjidhkan.
Cuntooyinka laga helo waxa ka mid ah :-
- Saliidda sun flower.
- saliidda oil live.
- Kalluunka.
- Caleenka koostada.
- Lawska.
- Biiniska iyo qaybihiisa kale duwan.
- Avocadada.
Cuntooyinka marka laga yimaado waxa qofka uu qaadan karaa kiniino vitamin E ah.