Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Beer xanuunku waa xanuuno kale duwan oo beerka ku dhaca sida ,joonis cadka,joonis caska ,kansarka beerka ,beeryarada iyo xanuunada kudhaca.
Cuntooyinka aan loo ogoloyn waxa ka mid ah :-
- Alkoolada iyo waxyaabaha ay ku jirto,waxa ay ku keeni kartaa bukaanka beerku uu xanuunayo dhimasho degdeg ah.
- Cuntooyinka duxdu ku badan tahay.
- Cabitaanada ay kubadan tahay sonkortu waxa ay ku kordhiyaan bukaanada in subag uu ku dul samaysmo beerka.
- Kalluunka aan sifiican loo shiilin,waxa ku nool bakteriya ,hadii aan sifiican loo shiilin waxa ay ku keeni kartaa caabuq beerka ah.
- Barootiinka xad-dhaafka ah , maalintii waxa loo ogol yahay qofka beer xanuunka leh 1.2-1.5gram oo barootin ah,haddii uu ka badiyo saameyn weyn ayey beerkiisa kuyeelanysaa.
- Milixda badan,waxa ay ku keentaa barar beerka ah ,taas waxa ay keenaysaa in beerka biyo badan galaan .
- Daawo-dhaqameedka,waa mid si sax ah loogaranayn xaddiga qofka ku haboon ee uu qaadan karo,dadka beer xanuunka leh waaka mamnuuc ilaa uu dhakhtarkiisu uu u ogolaado mooyee.
Maxaa looga baahan yahay qofka xanuunada beerka mid ka mid ah qaba?
- In aad dhakhtar ku xidhnaatid.
- Balwadaha dhamaantood in aad ka fogaatid .
- Daawooyinka in aad ka taxadirtid.
MAHADSANID.
Caafimaadka.net