Dhibaatada sonkortu u gaysato maskaxda.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Sonkortu waa dilaa qarsoon!

Cilmibaaris baaxad ballaaran oo uu daabacay PubMed Central (Jan. 2024) oo ka kooban ilaa 77 daraasadood waxay muujisay in uu xiriir togan (Positive Correlation) ka dhexeeyo isticmaalka sonkorta iyo hoos u dhaca garashada ama garaadka (Human Cognition) ee dadka iyagu caafimaadka qaba.

Dhammaan daraasadahaaasi waxay soo jeediyeen in si adag loo xakameeyo cunidda iyo isticmaalka sonkorta. Isticmaalka joogta ah ama xad dhaafka ah ee sonkortu wuxuu kale oo dhaawac u geystaa xusuusta qofka.

Heerka sonkorta jirka oo hal mar ah kor u kaca (Glucose Spike), wuxuu curyaamin ku saneeyaa shaqada “Mitochondria” oo ah warshadda soo daysa daaqadda (Energy Powerhouse) ee unnugyada jirka. Waa sababka marka qofku aadka u dhergo ay hurdada iyo caajisku u qabato, halkii uu furfircioni ka heli lahaa.

Daraaso kale oo lagu daabacay “Cell Journal” (Feb. 2024) waxaa lagu eegay sida maskaxdu ula qabsato “Glucose Rush”, waxaa cilmibaarayaashu ogaadeen in “Neoron Mitochondria” ay qaab ahaan inla bedesho heerka sonkorta ee dhiigga ama soo gaara maskaxda. Isbedelkaas ku dhacay shaqada jirka ayaa waxaa laga yaabaa – sida ay tibaaxeen – in uu sababo cuduro ay ka mid yihiin “Diabetes Type 2”.

Waddamada horumaray waxay ka leeyihiin “Regulations” isticmaalka sonkorta gaar ahaan goobaha ganacsiga ama cuntooyinka/cabbitaanada loogu talogalay caruurta iyagu aan qaadan karin go’aan laga baaraan degay.

Soomaalida oo si xad dhaaf ah u isticmaasha sonkorta, waxay u baahan yihiin in ay ku baraarugaan waxyeelada dadban iyo tan tooska ah ee ay leedahay “Free & Added Sugar”. Dadka mas’iiliinta ah iyo aqoonyahankuna waa in uu dadka ka wacyi geliyaa isticmaalka sonkorta ee aan loo meeldayin.

Xigasho.

Dr mohamoud A.mohamoud.

@caafimaadka.net