Waxa aad u kordhay tirada dadka qaba xanuunka xiiqda(asthma).

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Xanuunka xiiqda ayaa xanuun ku dhaca hawo-mareenka.

Qofku marka uu hawo uu qaato,hawadaas oo ay ku jiraan dhaska,ubaxyada iyo dhirta budadooda ,dhogorta xayawaanka kuwaas oo ku keena qofka difaaciisu in uu diido waxa lasoo daayaa dareerayaal layidhaa,cytokinase, histamine ,prostaglandin iyo leukotrienes kuwaas oo ka dhiga muruqyada hawadu dhex qulqulayso qaar dhuudhuuban oo adag ,kadib qofku hawada uu qaadanayo iyo ta uusoo celinayo waxa ay ku noqonaysaa mid ku adag.

Calaamadaha xiiqda.

  • Hawada oo qofka ku adkaata.
  • Laab-xanuun.
  • Qufac badan.
  • Saxasho joogto ah.
  • Codka foodhida oo kale taas oo qofka muujinaysa in tuunbooyinkii hawo mareenku ay dhuudhuubteen kadib hawada dhex qulqulaysaa ay yaraatay.

Suaashu waxa ay tahay maxaa qofka u sahlaya in xanuunka xiiqdu ay ku dhacdo?

  • Qofka oo waalidkii ka dhaxla.
  • Degaanka qofku uu kunool yahay oo sifudud looga helo waxyaabaha xasaasiyadda uu ku leeyahay sida dhirta,xoolaha ,xayawaanka iyo cuntooyinka.
  • Qofka oo hab-nololeedkiisii uu is bedelo sida jimicsi la’aanta oo keenta miisaanka qofka oo saraysma ,miisaanka sareeyaa waxa uu usahli karaa xanuunka xiiqda.
  • Guriga qofku uu ku nool yahay hadii aanu hawo fiican lahayn waxa ku badanaya dhaska iyo cayayaanada badanaa xasaasiyadda hawo mareenka lala xidhiidhiyo.
  • Meelaha qiiqu ku badan yahay sida maqaaxiyaha,goobaha qashin qubka iyo meelkasta oo qiiq ka baxayo waxa ay qofka ku keeni kartaa xiiq .

Maxaa la gudboon qofka goobahan kor kusoo xusnay u dhow?

  • Hadii waalidkaa uu leeyahay xanuunka xiiqda ,isla soco waxyaabaha kuu sahlaya aad uga fogow.
  • Hadii aad qabtid ,waxa kugu kicinaya ka fogow daawadaadana sido.
  • Cuntooyinka kugu kicinaya ka fogow.

Qofka marka xiiqdu ay kukacdo maxaa la gudboon?

  • Daawadiisa in uu degdeg u qaato.
  • Qofka in hawada loo baneeyo oo aan lagu soo ururin .
  • Si degdeg ah in goob caafimaad loo geeyo.

@Caafimaadka.net.