Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Vitamin A waa mid ka mid ah fiitamiinada duxda ka samaysan,jidhkeenu ma samaysto waxa uu badanaa ka helnaa dibadda ,dhirta ,hilibka cad /hilibka cas iyo kiniini/sharoobo ah.
Xanuunada ka dhasha marka Vitamin A uu yaryahay waxa ka mid ah:-
- Hab-difaaca qofka oo hoos udhaca ,xanuunadu oo kusoo noqnoqda.
- Aragtida indhaha qofka oo hoos udhacda.
- Madax-xanuun daran.
- Xanuunada maqaarka oo kordha.
- Xanuunka kudhaca qaybta indhaha ee cornea-niyaha ee loo yaqaano keratomalacia ,badanaa qaybtaa ayaa qalayl badan lagu arkaa.
Faaiidooyinka vitamin A inoo leeyahay waxa ka mid ah:-
- Aragtida indhaha ,qaybta ratina-oo uu awood siiyo.
- Koritaanka maqaarka oo uu awood siiyo.
- Koritaanka ilkaha iyo lafaha oo uu ka qayb qaato.
- Kelyaha oo uu ka hortago in dhagaxaan ay ku samaysmaan.
Cuntooyinka laga helo waxa ka mid ah :-
- kaarootada.
- Beedka.
- Kalluunka.
- Hilibka.
- Khudaarta cagaaran.
- Caanaha.
mohamed ibrahim
/
Mihnadle caafimaad.
★ ★ ★ ★ ★