Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Saamalaylka ayaa noqday hoyga xanuunada oo dhan,waxa isbedel weyn uu ku yimaadaa dhamaan fal-dajiyeyaasha jidhka ,unugyada dhintay in la qashin saari waayo,miisaan saaid ah oo qofka fuula,Heerka sonkorta oo la xadayn waayo,Isku buuq uu yeesho bukaanku,Xanuunka asaasaqa oo kusoo degdega qofka oo da’yar,Xasuusta qofka oo yaraata iyo Dhimasho degdeg ah .
Aad iyo aad uga taxadir hurdo yarida ,xilliga ugu wanaagsan in uu qofku uu seexdo waa 9:00 habeenimo—–5:00 subaxnimo.
Haddii aad jadwalkaaga hurdada sidan u saxdid waxa dhacaya :-
- Waxa yaraanaya halista xanuunka macaanka.
- Halista xanuunada wadnaha.
- In uu misaankaagu uu xadid naado.
- Nasasho joogto ah.
- Qashin saar badan oo ku dhaca jidhkaaga.
Si heerkaaga hurdo u fiicnaado :-
- Noqo qof diyaar u ah in uu hurdo fiican uu helo.
- Goobta aad seexanaysid hagaaji,kana hortag waxyaabaha hurdada kaa kaxaynaya ,sida nadaafadda goobta,nadaafadda jidhka,iftiinka saaidka ah ee qolka iyo agabka yaala.
- In aad cuntayso xilli hore.
- Hadii aad hurdaada intaa aad ku hagaajin kari waysid waa in aad la xidhiidhid dhakhtar.
Mohamed ibrahim
/
Mihnadle caafimaad.
★ ★ ★ ★ ★