Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xanuunkan qalalka ama faaliggu badanaa waa mid ku dhaca dadka la nool xanuunada jiitama ama halista ugu jira xanuunada jiitama.
Faaligga badanaa waa saddex-nooc oo kale ah :–
– Mid qofka wakhti yar oo kooban xinjir xidho kadib saacado kadib xinjirtu ka dhaqaaqdo meesha.
– Mid xinjirtu ay xidho xidida maskaxda taas oo wakhti badan xididkaa xidha ,kadib dhiigii oo ka xidhma qayb maskaxda ka mid ah.
– Xididada maskaxda oo cadaadiska dhiigga oo sareeya iska xajin waaya kadib qarxa,maskaxda oo uu dhiig badan uu ku furmo .
Dadka badanaa halis ugu jira waxa ka mid ah:-
– Qofka dhiikarka leh.
– Qofka sonkorow ama macaan la nool.
– Qofka beer subagga leh.
– Qofka miisaankiisu uu aad u sareeyo.
– Qofka heerka jimicsigiisu uu hooseeyo.
– Dadka sigaarka caba.
– Qof walba oo isticmaala balwadd.
– Nafaqooyinka cuntooyinka oo hooseeya.
– Hadii nooca wakhtiga kooban maskaxda dhiigu uu ka xidhmayo uu kugu dhaco.
– Hiddaha oo dhakhaatiirtu marmar ay ku darto.
Iyo qodobo kale oo xagga deegaanka la xidhiidha.
Calaamadaha sida fudud kuu sheegaya in qofka uu faalig soo wajahay waxa ka mid ah:-
– Dhinac(lug iyo gacan ayaa shaqada gabaya).
– Dhinaca shaqada gabay ,gacanta markaad qabato awood uu kugu xajiyo maleh.
– Hadalka uu ku adkaanayaa.
– Wajiga dhinac ayaa soo ururaya ,afkuna uu qaloocsamayaa.
– Gariir ayaad ku arki kartaa.
– Dhidid badan .
Calaamadahaa oo wada socda ayaad bukaanka ku arkaysaa.
Waxa waajib ah in laqaado oo goob caafimaad lageeyo si daryeel degdeg ah qofka loo siiyo.
Maxaa lagaga hortagi karaa?
– Qofka macaanka leh oo daawadiisa sida dhakhtarku ugu sheegay u qaata.
– Qofka dhiikarka leh oo daawadiisa iyo cabirkiisa la socda.
– Qofka beer subagga la nool oo daawadiisa iyo cadaadiska dhiiga la socda.
– Miisaanka oo qofku yareeya inta la ogol yahayna ku ilaaliya.
– Balwadaha oo layareeyo kadib la joojiyo hadday tahay mid la cabbo ,la qiijiyo ama lacuno.
– Qofka hore uu faalig ugu dhacay oo daryeelkiisa la joogteeyo sida cabirka cadaadiska dhiigga,heerka sonkorta ,in 3biloodba mar uu iseego dhamaan shaybaadhada muhiimka ah,jimicsi iyo jidh xanaanayn joogto ah ,cunto dheeli tiran iyo talo dhakhtar oo joogto ah.
– Nafaqo ahaan qofka oo kor isku qaada.
– Qofka xanuunada jiitama leh sida macaanka ,dhiikarka iyo subagga waa muhiim daawadiisa in ay ku jirto daawada aspirin iyada oo lagale tashanayo dhakhtarka bukaanka gacanta ku haya.
@Caafimaadkaagu gacantaada ayuu ku jiraa .
Talooyinka dhakhaatiirta aynu raacno.
Qof walba inuu dhakhtar ku xidhnaado waa muhiim.
Mahadsanid.
www.caafimaadka.net