SAAMEYNTA SIGAARKU UU KU LEEYAHAY QOFKA MACAANKA LEH .

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Cabidda sigaarku waa mid sii kordhaysa si saaid ah,aduunyaada dadka kunool oo dhan waa caado kusii kordhaysa.

Sigaarku waa balwad aad ugu daran caafimaadka qofka ,culimadu waxa ay gaadhsiiyeen in uu danbi-uu yahay, maadaama uu saameynayo caafimaadka qofka.

Waxyaabaha uu sigaarku uu ka kooban yahay waxa ka mid ah:-

  • Nicotine.
  • Tar.
  • carbon monoxide.
  • benzene.
  • Arsenic.
  • Formal aldehayde.
  • Cadmim.
  • Hydrogen cyanide.
  • Ammonia.
  • Acetone.
  • Touelene.
  • Methylamine.

Iyo kiimikooyin kale oo iskudarkooda lagu qiyaasayo 700 oo kiimiko dhamaantoodna keenaya xanuunka kansarka.

Sigaarku siyaabaha uu u saameeyo qofka la nool xanuunka macaanka/sonkorowga waxa ka mid ah :-

  • Waxa uu kordhiyaa sigaarku in heerka maadada insulin in ay khalkhasho.
    • Insulin waa maadada u ogolaata jidhkeenu sonkorta xakameeyo sidoo kale jidhku uu isticmaalo,haddi qofka ay ka khalkhasho maadada insulin heerka sonkorta qofku way kordhaysaa ,si fudud ayuu ku qaadayaa xanuunka macaanka.
  • Qofka macaanka leh ee sigaarka cabaa ,marnaba heerka sonkortiisu maaha mid degen badanaa way saraysaa sababtoo ah sigaarku waxa uu khalkhaliyaa heerka insulinta.
  • Wadnaha iyo halisaha soo wajihi kara:
    • Wadnaha dhaawac weyn ayuu soo gaadhsiiyaa qofka heerka macaanka qaba ,halis waxa uu ugu jiraa in xididda halbowlayaashu ay xidhmi karaan ,maadaama xididada hawlbowlaha ay isbedeleen laba xaaladood qofka macaanka leh sonkorta ayaa isbedel weyn ku samaysa xididada dhiigga qaada,halka sigaarku uu kordhiyo xinjirowga dhiigga oo marwalba oo uu qiijiyo sigaaar uu xidhmi karo xididku.
  • Dareen wadka oo uu halis weyn kale kulmo:-
    • Macaanka iyo qiijinta sigaarku waxa ay hoos udhigaan habdhishka dhiig wareegga ,waxa ay keenaan in heerka dhiig wareegga lugaha iyo gacmuhu ay hoos u dhacaan,taas oo keenaysa in dhiigu uu ka xidhmo faraha lugaha iyo gacmaha ,kadib qofka lagu arko in aanu waxba ka dareemin faraha lugaha iyo gacmaha.
  • Bogsashda nabarada oo hoos udhacda.
    • Qiijinta sigaarka iyo macaanku waxa ay hoos udhigaan heerka bogsashada nabarada ,badanaa qofka labadan xaaladood isku raacaan macaanka iyo sigaar cabistu waa dadka u badan ee ay ku dhacdo xaaladda loo yaqaan gaangari.
  • Sigaarku waxa uu kordhiyaa halisaha heerka macaanku in uu saameeeyo qaybaha kale duwan ee jidhka sida:-
    • Indhaha.
    • Maqaarka.
    • Kelyaha.
    • Xididada halwowlaha ah.
    • Wadnaha.
  • Sigaarku waxa uu saameeyaa daawooyinka macaanka hadday tahay kiniini ama insulin ta la iskumudo.
  • Sigaarku waxa uu kordhiyaaa heerka caabuqa jidhka,caabuqaas meelo kale duwan ayuu noqon karaa oo jidhka ah ,hadii jidhka caabuqiisu uu bato heerka sonkortuna waa mid aad ukhalkhasha.

Maxaa la gudboon qofka macaanka leh ee sigaarka qiijiya.

  • In uu si degdeg ah goaan uu uga qaato joojinta qiijinta sigaarka.
  • Inuu ogaado in sigaarka qiijintiisu ay galin karto xaalad emergency ah oo keeni karta dhimasho degdeg ah.
  • Joojinta sigaarku waxa uu u baahanyahay wakhti in uu qofku u sameeyo ,tusaale ahaan uu yidhaahdo 2025 bisha 7 baad waa in aan joojiyo qiijinta sigaarka,taas waxa siinaysaa awood uu ku joojin karo.
  • Si aad sigaarka u joojisid waxa aad u baahantahay koox ku caawisaa oo ay ka mid yihiin dhakhaatiir iyo qoyskaaga ,si lagaaga garab siiyo joojinta sigaarka.

Qofka xanuunka macaanka lanool sidoo kale qiijiya sigaarka waxa loo ga baahan yahay :

  • In uu ogaado heerka nafaqada jidhkiisa.
  • Eegis joogto ah oo bad-qabka sanbabadiisa ah.
  • Cabir joogto ah oo heerka sonkortiisa ah.
  • Kor uqaadidda wacyigiisa caafimaad.
  • Ka hortagga dhaawacyada sigaarku u gaystay habdhisyada kale duwan ee jidhkiisa.

WQ:Mohamed ibrahim abdirahman

Mihnadle caafimaad.

Leave a Reply