Margasho: Gargaarka Degdegga.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Margasho waxey dhacdaa marka wax shisheeye ah ay xanibaan hunguriga ama hawa mareenka. Dadka waa weyn waxey inta badan ku margadaan cunno, halka caruurta ay kumargadaan waxyaaba yaryar oo ay liqeen. Maadaama margashada ay maskaxda ka xanibeyso ogsijiinta, waa muhiim in qofka si degdeg ah loogu gargaaro.

Calaamadda caalamiga ah ee lagu yaqaano mergashada waa in qofka labadiisa gacmood ay hayaan dhuunta, hadii qofka uusan kusiinin baaq cad, waxaad fiirisaa tilmaamahaan soo socda:

  • Qofka oo aan awoodin inuu hadlo
  • Neefta oo dhib ku ah ama ay lasocoto xiiq
  • Codad aad maqleysid marka qofka uu iskudayo inuu neefsado
  • Qufac noqon kara mid khafiif ah ama mid awood badan
  • Maqaarka, bishimaha, cidiyaha oo midab buluug ama booreysan yeesho
  • Miyir daboolmid

Hadii qofka uu awoodo inuu qufaco waxaa wanaagsan inuu si xoog ah u qufaco, hadii qofka uusan qufaci karin waxaa lagula talinayaa inaad sameysid tillaabooyinka soo socda

  • Sii 5 jug oo dhabarka ah. Waxaad dhinac istaagtaa qofka marganaya hadii uu yahay qof weyn. Hadii uu yahay caruur, waxaad jilba jabsataa gadaashiisha, waxaad gacan ka saartaa xabadka si aad u taageertid, kedib waxaad kasoo qalloocisaa qofka dhexda, si qeybta kore ee jirka iyo dhulka ay u noqdaan barbaro. Waxaad siisaa 5 jug oo dhabarka ah adigoo beegsanaya inta u dhexeysa labada garab isticmaalayana ciribta gacantaada
  • Sii 5 riix oo caloosha ah. Waxaa afka caafimaadka loo yaqaanaa Heimlich maneuver

Raac qodobada hoos ku qoran si aad usiisid 5 riix oo caloosha ah.

  1. Waxaad istaagtaa qofka gadaashiisa. Wax yar lug kasoo hormari lugta kale, ku wareeji gacmahaaga dhexda qofka, waxyar qofka u badi horay, jilba jabso hadii uu yahay cunug.
  2. Feer duub hal gacan. Ku aadi hareeraha xudunta qofka
  3. Gacanta kale ku qabo feer duubka. Ku riix si cadaadis ah oo dhaqsa ah adigoo kor uriixaya feerka, sidi inaad qofka kor qaadeysid oo kale.
  4. Samee lix ilaa 10 riix oo caloosha ah.

Hadii aad tahay qofka kaliya ee meesha jooga, samee qodobada kore inta aadan lambarka gargaarka degdegga ah garaacin. Hadii qof kale uu kula joogo, war geli inuu si dhaqsa ah ula xiriiro gargaarka degdegga ah adigana sii samee tillaabooyinka kore.
Hadii qofka uu miyir daboolmo, waxaa lagaa doonayaa inaad sameyso habka CPR.
Hadii aad adiga tahay qofka marganaya, waxaad naftaada kusameyn kartaa habka loo yaqaano Heimlich maneuver.

Hadii aad tahay kaligaa, marka hore garaac lambarka gargaarka degdegga ah, kedib samee qodobada soo socda

  • Gacantaada midig oo feer dubaan saar boggaaga
  • Qabo feerka duuban adigaa urundusanayaa hore
  • Feerka duuban kuriix bogga qaab gudaha iyo kor ah

Hadii aad caawineysid haweeney uur leh ama qof buuran oo marganaya:

  • Saar gacantaada bogga qofka aad caawineysid
  • Samee Heimlich maneuver
  • Kucelceli ilaa iyo inta waxa naqaska ku xiraya ay banaanka usoo baxaan

Hadii qofka aad caawineysid uu miyir daboolmay:

  • Dhabar dhabar ujiifi qofka, gacmahana hareera dhig
  • Hadii waxa ku taagan qofka aad arki kartid isku day inaad far kugaartid ood kasoo saartid, kana taxadar inaadan gudaha ugu sii riixin
  • Bilow habka CPR.

Hadii aad caawineysid dhallaan:

  • Fariiso kedibna madaxa dhallaanka uraaric hoos. Gacantaada ku taageer madaxa iyo qoorta dhallaanka
  • Jug fudud kasii dhabarka dhallaanka adigoo adeegsanaya ciribta gacantaada. Marna jugta haka siin qeybta dambe ee madaxa.
  • U weeci wejiga dhallaanka kor. Madaxa ha ahaado mid ka hooseeyo xabadka, hadii dhallaanka uusan weli neefsaneynin waxaad laba farood kasaartaa xabadka oo hoos u riix xabadka kedibna ka qaad faraha si xabadka uu iskiis kor ugu soo kaco.
  • Kucelceli jugta dhabarka iyo riixitaanka xabadla. Hadii dhallaanka uusan weli neefsaneynin garaac lambarka gargaarka degdegga ah.
  • Bilow habka CPR ee dhallaanka loogu talogalay. Hadii wixi dhuunta xiray ay soo baxeen laakin dhallaanka uusan bilaabin neefsasho

Taxadar ka yeelo inaadan isticmaalin awood badan marka aad jug iyo riixitaanka ku sameyneysid caruurta kayar halka sano.

Image result for first aid swallowing foreign objects

Image result for cpr