CAABUQA KU DHACA GANACA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Caabuqa ku dhaca ganacu waa xalad degdeg ah qofka lasoo darista ,daawayn iyo qalniin degdeg ah hadii loo baahdo ayaa uu qofku u bahanyahay.

Xaalada ugu horaysa qofka caabuq kaga dhacay  ganaca waxa lagu arki karah xanuun aad u daran  oo uu qofku ka dareemo  uur ku jirta .

Waxa xanuunkan markii uhoraysay xaqiijiyey nin layidhaa regmalfits  sanadkuna waxa uu ahaa 1886.

Xaaladan  waa xalad halis badan waxa ayna kordhin kartaa dhimashada.

Hadii uu qofku si degdeg ah uu utagi waayo xarun caafimaad waxa ay keeni kartaa in uu ku dilaaco ama uu saameeyo xubnaha muhiimka ah eek u dhow dhow sida xiidmaha dheer,beerka iyo kaadi haysta.

CALAAMADAHA XANUUNKA.

  • Xanuun aad udaran ,marka la taabto ,marka uu isrogayo iyo badanaa socodka oo dhiba .
  • Yalaalugo iyo mantag.
  • Dibiraad.
  • Qufac.
  • Cunto xumo.

MAXAA SABABA.

  • Xidhan ku dhaca tuunbooyinka yar yare e dhex mara ganaca.
  • Dhaawac soo gaadha ganaca oo dusha ah.
  • Caabuqa ku dhaca qanjidhada oo faafa kadib gaadha xubinta ganaca.

YAA HALIS UGU JIRAH XANUUNKA.

  • Da’ahaan waxa halis ugu jiraa da’da u dhaxaysa  15—-35 jir.
  • Xaafada dhaxalka u heleh in xanuunkan uu ku dhaco ama labo wax kabadan uu ku dhacay.
  • Marka la is barbar dhigo raga iyo dumarka,raga ayaa uu kaga badan yahay.

BAADHID.

  • Baadhiddu waxa  ay u kale qaybsamaysaa :-
  • xog helid .

    eegitaan goobta xanuunaysa qofka iyada oo la           eegayo(taabasho,indho indhayn,dhagaysi iyo qaracid farta lagu qaraacayo…xaaladan waxa ugu muhiimsan si loo ogaado in uu buko ganaco in lasameeyo taabasho.

  • Shaybaadh.
  • Sawir.

DAAWEYN.

Daaweynta waxa qofka lasiinayaa dawooyin yareeya caabuqa.

Waxa qori kara oo kaliyaata dhakhtarka .

Xaaladan hadii qofku daawynta uu isku bedeli waayo waxa lasameeyaa qalniin xubintaba lagaga jarayo si aanay dhibaato kale u keenin.