WAA MAXAY CORONOVIRUS(KORONO-FAYRAS).

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

coronovirus waa mid ka mid ah viruses ka ku dhaca dadka iyo xayawaanka.

coronovirus waxa la xaqiijiyey ama qof ibnu adam ah lagu arkay sanadku marka uu ahaa 1960 waxa lagu arkay qof xanuusan oo qabay duray.

xanuunkan xiliga uu caanka yahay ee uu dadka ku dhaca waa bilaha jiilaalka iyo guga.

caabuq dhaliyahan waxa uu saameeya habdhiska neefsashada .

xanuunkan hadda waxa uu saameyey waxkabadan 1000 milyan oo qof oo china u dhashay .

calaamadaha xanuunku waxa ay kusooshaax bixi karaan muddo 14 cisho ah.

CALAAMADAHA XANUUNKA.

  • Qufac.
  • xumad .
  • sanka oo biyo badan yeesha.
  • cunne-xanuun.
  • hindhiso.
  • naqaska oo qabta qofka.
  • qufac qalalan.
  • shuban

SIDUU KU FIDAA XANUUNKA CORONOVIRUS UU KEENO.

waxa uu ku fidaa hawada ,qof xanuunka qabah ayaa ku qufacaya ama ku hindhisaya hawda kadib viruska oo la socda hawada biyaha leh ee ka soo baxaysa qofka xanuusan sanbabadiisa ayaa hawada ku darsamaya kadib qof caafimaad qaba ayaa hawdii wasakhaysnayd qaadanaya sidaas ayuuna xanuunki ku qaadaya.

SIDEED UGA HORTAGI KARTAA CORONOVIRUS.

  • Gacmahaaga dhaq ,adiga oo ku dhaqaya saabuun.
  • Ha taaban indhahaaga,afkaaga iyo sanka kana fogee marwalbah farahaaga oo aan nadiif ahayn.
  • Dadka xanuunka qaba ha udhawaan.

HADII XANUUNKA AAD ISKU ARAGTO SIDEED U BADBAADIN DADKA KALE?

  • Ha bixin hadii aad isku argto calaamadaha xanuunka.
  • Afkaaga iyo sankaaga dabool .
  • Isticmaal jeermis dile.

WAX DAAWO AH MA LEEYAHAY?

ilaa hadda lama xaqiijin wax daawo ah oo uu leeyahay ,laakiin waxa lala tacaalayaa calaamadaha xanuunka.

hadii aad isku aragto calaamadaha xanuunka si degdeg ah goob caafimaad u aad.