FAAIIDOOYINKA TIMIRTA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Timirtu waxa ay inoo leedahay faaiidooyin aad iyo aad ubadan jidhkeena waxa ka mid ah faaiidooyinkaas.

1.Timirtu waxay dhintaa Heerka ee Dhiiga,waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo waxa ku jira Timirta Maadada loo yaqaano“Pectin”

2- Waxay joojisaa in ay ku dhacdo Xiidmaha Cancer, waxayna ka ilaalisaa Xanuunka Baabaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta ku dhasha Kaadi haysta,.

waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambaya

.3- Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suusgalo,sababtoo ah waxa ku jirta Maadada“Fluoride”

4- Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium,Potassium iyo Vitamin C.

5- Waxay daawaysaa Dhiig la’aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron,Copperiyo Vitamin B2

6- Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium,Phosphorus iyo Vitamin A

7- Waxay daawaysaa Appetite la’aanta,sababtane waa maadada Potassium-ka ee kujirta.

8- Waxay daawaysaa Itaal darada guudahaan iyo Wadna xanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganisium iyo Copper.

9- Waxa ku jira Maadada Salinium oo ka hortagta Cancer ka sidaas darteed baa Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu u aqoon Cancer ka.

10- Waxa ku jirta Maadada daawaysa iItaal darada xagga Galmada

11- Waxaa ku jirta Maadada “Poron” oodaawaysa Jilbo Xanuunka ka iyo Cancer-ka Maskaxda

12- Waxay daawaysaa Qalaylka Maqaarka iyo Indhaha Guruxooda waayo waxaa ku jirta Vitamin A

13- Waxay daawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada riqa; waayo waxaa ku jira Vitamin B1

14- Waxaa daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qalaylka Afka iyo Infection ka Bushimaha, taasi waxaa sahlaysaa Vitamin B2 oo ku jirta timirta.

15- Waxa ku jirta Maadada daawaysa Infection ka Dubka ama jidhka.

16- Waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor,Sodium iyo Potassium.

17- Waxay daawaysaa Xanuunada
Ciridka ku Dhaca.

18- Gurige taalo faqri kama so dhawado

Timirtu waxa ay la gaar tahay waxtarka ah in ay maqaarka duxgeliso kana hortagto calaamadaha gabowga, sida oo kale waxa ay leedahay nafaqooyin si awood leh u daweeya dil-dillaaca maqaarka ku samaysa, waxa kale oo ay timirtu cusboonaysiisaa unugyada si ay u beddelaan unugyada dhintay ee maqaarka, waxa ay jilcisaa maqaarka waxa aanay la dagaallantaa coodhcoodhka. Marka dhinaca madaxa laga hadlayana waxa ay nafaqo gelisaa diirka madaxa, waxa ay gacan ka geysataa qarinta cirrada, waxa ay daweysaa toxobta, waxa aanay yaraysaa dhibaatada timo daadashada.

Maqaarka.

Afar xabbo oo timir ah ayaa lagu darayaa koob biyo diirran ah, habeen ayaa ay radsanaanaysaa, illaa ay jileec isu beddesho, kaidb waa la isku walaaqayaa illaa ay sida cajiinka noqdaan. Markaas kadib ayaa maqaarka wejiga la marinayaa, waxa aaanay khubaradu sheegeen in ay maqaarka geliso faytamiinno kala duwan, macadanno iyo cusbooyin uu jidhku u baahan yahay si uu dhalaalka iyo quruxda dabiiciga ah u ilaashado.

– Timir la cajiimay haddii lagu daro liin dhanaan la tuujiyey oo loo qiyaasay timirta la cajiimayo in ay si fiican u wada qoynayso, kadibna wajibka lagu dahaadho, muddo 30 daqiiqo kadib ahna laga maydho, muddo marka lagu wado, waxa isu ekaanaya midabka wejiga ee laga yaabo in uu kala noocnooc noqdo dadka qaar qorraxda iyo qabowga badan awgood, waxa aana tirtirma baraha madow iyo nabarrada.

Timaha.

Shan malqacadood oo ah timir la cajiimay ayaa lagu darayaa 4 malqacadood oo saliid saytuun ah iyo koob caano ah, kadibna iyada oo isku walaaqan ayaa timaha lagu dhoobayaa, muddo saacad ah ayaana lagu deynayaa. Kadib biyo diirran iyo shaamboo caadiya ayaa lagaga maydhayaa, waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu toddobaadkii hal mar isticmaalo timirta sidan ah.