Agoolka ama Toxobta madaxa waa cudur dad badan oo dunida ku nool walaac ku hayo oo ku dhaca maqaarka madaxa ku dahran. Waana cudur inta badan qofka uu mar ku dhaca aan si buuxda uga bixin oo ku soo noqnoqda. Cudurka Agoolka oo ku dhaca noocyada maqaarka ee kala duwan waxaa cudurka keena waxa loo yaqanno Fungus ee dubka kore …
Aragtada indhuhu marka ay hoos udhacaan awoodda aragga , badanaa waxa loo aaneeya yaraanshiyaha Fiitamin-A. Fiitamin A jidhkeenu ma samaysto waxa uu ka helaa dhirta cagaaran ,cuntada badda iyo hilibka xoolaha. Celcelis ahaan maalintii waxa loo ogolyahay qofku in uu qaato xaddi 900-700mcg. Caruurta yaryar iyo hooyada uurka leh dhakhtar ayuunba u qori kara xadiga la siinayo. FAAIIDOOYINKA AYNU KA …
Ciridka oo ku dhiiga waa xaalad nafaqo darro oo la soo daristay afkaaga. Fiitamiin-c oo ku yaraada jidhkaaga ayaa keena in qofku si fudud u cirid-dhiiggo. Xadiga fiitamin-c ee jidhkaaga marka uu yaraado saddex-bilood kadib ayey calaamadda cirid-dhiigu ay muuqataa. Fiitamin-c waxa aynu ka helnaa dhirta ,jidhkeenu ma samaysan karo. MAXAA KEENI KARA IN FIITAMIN-C UU YARAADO? Khudaarta oo qofku …
Xumaddu waa calaamad muujinaysa in difaacaagii uu la dagaalamayo caabuq jidhka soo galay . Caabuq dhaliyeyaasha sida bakteeriyada ,fayrus ka iyo ilmo aragtayda kale waxa isla ilbidhiqsigaaba dareema hab difaaceena sidaas ayuu dagaalkoodu uu ku bilaabmaa, xumaduna halkaas ayey kasoo muuqataa. Maalmihii ugu danbaysay dhulka soomalida waxa aad looga cabanayaa xumadd, lalabo iyo mantag. Walow ayna jirin research iyo warbixino …
LAAB-JEEX. Hunguriga iyo caloosha waxaa udhaxeeya muruq yar kaasoo sida caadiga ah xirma ama guntima marka ay cuntadu u gudubto caloosha waxaana loo yaqaana LOWER OESOPHAGEAL SPHINECTOR. Hadii uu dabco ama uu si fiican uxirmi waayo muruqaasi, waxaa dhacda in acid iyo waxyaabaha kale ku jira caloosha ay si fudud ugu soo gudubto hunguriga taasoo sababta laabjeex. Caloosha waxa ay …
Isku-buuqa iyo fikirka badan waa mid ka mid ah xanuunada sababa xanuunada jiitama sida macaanka iyo dhiikarka. Fikirka badan waxa uu bedeli karaa hab-nololeedkaaga ,kaas oo saamayn badan ku leh noloshaada iyo qorshayaashaada. Xilliyada kale duwan ee culayska badan maskaxda uu saaran yahay waxa loo baahanyahay in aad la tacaashid si hawshaa naftaada haysataa ayna kuu saameyn. 7-cunto oo aad …
Aad ayey muhiim u tahay in ugxantaadu tiro ahaan badantahay sidoo kalena ay awood badantahay , taas waxa ay qayb ka tahay tarankaaga. Ururuka caafimaadka aduunku waxa ay sheegayaan ugxanta awoodda badan waxa ay ka koobantahay 15 million /1 millimeter–30 million/1ml oo ugxan awood badan . Warbixintaas waxa ay kuusheegaysaa in ugxanta caafimaadka qabta ay intaas ka koobantahay. Haddii ay …
BAKTEERIYADA E.COLI IYO MARYAHA. Waxa aynu dhaqan u leenahay marka aynu dhar-dhaqanayno in aynu wada maydhano dharkeena tusaale dharka wiilasha in hal mar qasaaladda lagu wada rido . Taas waxa ay keentay dhibaaooyin caafimaad oo hor leh oo la xidhiidha xanuunada ku dhaca kaadi-haysta. Dharka hoosta laga xidho sidan nigiska(underwear) waxa ka buuxa bakteeriyada loo yaqaano E.COLI oo ah bakteeriyooyinka …