Miisaanka xad dhaafka ah ama buurnaanta ayaa lala xiriiriyay khatarta sii kordheysa ee 13 kansar oo kala duwan, oo ay ku jiraan mindhicirka, naaska, ilmo-galeenka iyo beeryarada. Dufanka xad-dhaafka ah wuxuu keenaa barar ku dhaca jidhka kaas oo kor u qaada koritaanka burooyinka wuxuuna caawiyaa unugyada kansarku inay kala qaybiyaan. Unugyada baruurtu waxay kaloo soo saaraan hormoonka estrogen, kaasoo kicin …
Kaneecadu waa cayeyaan xanuun dhaliye ah ,xanuunka ayey kasoo qaadaa bukaanka waxa ay ku mudaa qofka caafimaadka qaba isna sidaas ayuu xanuunka ku qaadaa. xanuunada ay keento xilli-roobaadka waxa ka mid ah :- xanuunka duumada(malaria). xanuunka zika virus. xanuunka west nile virus. xanuunka dangue virus. Anopheles waxaa la yiraahdaa nooca dhadigga kaneecada ee keenta malaariyada ama duumada sida dadka qaarkiis …
Iligga oo burbura/suus waa dhibaatooyin la soo darsaya hadda dadka waawaeyn iyo caruurta yaryar. Iliggu in uu burburo waxa sabab u ah bakteriyada afka iyada oo ay sahlayaan cuntooyinka iyo cabitaanada isku xigxiga ee afkeena ku hadhaya. Kaliya cuntooyinkaas ma sababan waxa jiro qodobo kale oo sahlaya in iliggu uu burburo. Haddii aan la daaweyn waxa ay saameynaysaa saddexda lakab …
Agoolka ama Toxobta madaxa waa cudur dad badan oo dunida ku nool walaac ku hayo oo ku dhaca maqaarka madaxa ku dahran. Waana cudur inta badan qofka uu mar ku dhaca aan si buuxda uga bixin oo ku soo noqnoqda. Cudurka Agoolka oo ku dhaca noocyada maqaarka ee kala duwan waxaa cudurka keena waxa loo yaqanno Fungus ee dubka kore …
Aragtada indhuhu marka ay hoos udhacaan awoodda aragga , badanaa waxa loo aaneeya yaraanshiyaha Fiitamin-A. Fiitamin A jidhkeenu ma samaysto waxa uu ka helaa dhirta cagaaran ,cuntada badda iyo hilibka xoolaha. Celcelis ahaan maalintii waxa loo ogolyahay qofku in uu qaato xaddi 900-700mcg. Caruurta yaryar iyo hooyada uurka leh dhakhtar ayuunba u qori kara xadiga la siinayo. FAAIIDOOYINKA AYNU KA …
Ciridka oo ku dhiiga waa xaalad nafaqo darro oo la soo daristay afkaaga. Fiitamiin-c oo ku yaraada jidhkaaga ayaa keena in qofku si fudud u cirid-dhiiggo. Xadiga fiitamin-c ee jidhkaaga marka uu yaraado saddex-bilood kadib ayey calaamadda cirid-dhiigu ay muuqataa. Fiitamin-c waxa aynu ka helnaa dhirta ,jidhkeenu ma samaysan karo. MAXAA KEENI KARA IN FIITAMIN-C UU YARAADO? Khudaarta oo qofku …
Xumaddu waa calaamad muujinaysa in difaacaagii uu la dagaalamayo caabuq jidhka soo galay . Caabuq dhaliyeyaasha sida bakteeriyada ,fayrus ka iyo ilmo aragtayda kale waxa isla ilbidhiqsigaaba dareema hab difaaceena sidaas ayuu dagaalkoodu uu ku bilaabmaa, xumaduna halkaas ayey kasoo muuqataa. Maalmihii ugu danbaysay dhulka soomalida waxa aad looga cabanayaa xumadd, lalabo iyo mantag. Walow ayna jirin research iyo warbixino …
Isku-buuqa iyo fikirka badan waa mid ka mid ah xanuunada sababa xanuunada jiitama sida macaanka iyo dhiikarka. Fikirka badan waxa uu bedeli karaa hab-nololeedkaaga ,kaas oo saamayn badan ku leh noloshaada iyo qorshayaashaada. Xilliyada kale duwan ee culayska badan maskaxda uu saaran yahay waxa loo baahanyahay in aad la tacaashid si hawshaa naftaada haysataa ayna kuu saameyn. 7-cunto oo aad …
BAKTEERIYADA E.COLI IYO MARYAHA. Waxa aynu dhaqan u leenahay marka aynu dhar-dhaqanayno in aynu wada maydhano dharkeena tusaale dharka wiilasha in hal mar qasaaladda lagu wada rido . Taas waxa ay keentay dhibaaooyin caafimaad oo hor leh oo la xidhiidha xanuunada ku dhaca kaadi-haysta. Dharka hoosta laga xidho sidan nigiska(underwear) waxa ka buuxa bakteeriyada loo yaqaano E.COLI oo ah bakteeriyooyinka …
Marburg virus waa xanuun aad u daran xumad ,xubnayaasha indhaha ,afka ,dhegaha iyo xaga danbe uu qofku uu ka keenayo dhiig. Waxa uu fayrusku uu ku dul noolyahay fiidmaarta si caadi ah ,dadka waxa uu ugu soo gudbayaa marka ay quutaan cuntooyinka dhirta oo badanaa fiidmaartu ku dhex-nooshahay ama ay quudanayso. Dadka u dhinta xumaddan dhiigga wadata waa 88%,fayraska waxa …