Qaraha ama xabxabka waa mid u fiican jirkeena, faa’ido badan oo dhanka caafimaadka ah ayaa lag helaa balse cilmibaarayaal ku sugan dalka Mareykanka ayaa qaraha la barbardhigay kaniiniga Viagra ee kordhiya hammada. Xabxabka waxaa ku jira kiimiko loo yaqaanno citrulline, taasoo ay ku jirto waxyaabo la mid ah Viagra. Viagra waxa loo yaqaan “kaniiniga buluuga ah”. Sida laga soo xigtay …
Qaraha/xabxabku waa geed gaab midho nafaqooyin badan bixiyah. Xabxabka waxa ku jirta maado loo yaqaano citruline oo ah amino acids caawiya muruqyada xubinta taranka ninka ,sidoo kaleka hortagta biyo baxa degdega ah. citruline- waxa ay yaraysaa biyo baxa degdega ah sidoo kale waxa ay kor u qaadaa awoodda muruqa xubinta taranka ninka. Daawooyinka biyo baxa degdega ah ka hortaga ,marka …
Waa maxay calool-istaaggu? Calool istaagu waa mindhicirada oo awoodi waaya inay isdhaafiyaan hadhaaga cuntada ee qashinka ah. Caloosha oo adkaataa waa xaalad degenaanshiyo la’aan ah oo ku timaada habdhiska dheefshiidka iyo hab dhiska qashin-saarka. Cuntooyin badan ayaa keena calool-istaaga waxa ka mid ah:- Astaamaha lagu garto calool istaagga. HALIS INTEE LEEG AYEY GALI KARAAN DADKA CALOOL-ISTAAGGA LEH? Halis caafimaad oo …
Jointace waa fiitamiino-ka kooban nafaqooyin baahi badan uu u qabo jidhkeena ,maadaama jidhkeena shaqo baaxad weyn ay ka dhex-socoto . Muruqyadeenu waxa ay u shaqeeyaan si baaxad weyn ,oo aan nasasho lahayn,kale gooys walba waxa ku jira dareere ka ilaaliya in lafuhu ay is-lisaan ,waxa uu dareerahaas uu inoo fudaydiyaa socod dheer inaynu samayn karno. MAXAA UU KAKOOBAN YAHAY JOINTACE? …
WACYIGALIN CAAFIMAAD OO KU SAABSAN NAASKA. Qanjidhka naasku maadama uu yahay mid ilmuhu uu aad ugu tiirsanyahay oo caano nafaqo leh uu ka helayo ,hooyadu waa muhiim in ay ka warhayso ,isbedelada ku dhacaya naaska. Marwalba oo hooyadu ay ogaato xilli hore xanuunka isbedelka ku yimaada naaskeeda waa marwlba oo xilli hore la xalin karo xaaladeeda lasoo gudboonaata naaska . …
Xanuunada badanaa lagu arko xubinta taranka ragga aad ayey u badan yihiin ,waxa aynu usoo qaadan doonaa mid mid. Xanuunkan baruur caddaan ah ayaa kudul-samaysmaysa dusha sare ee xubinta,xanuunkan waxa uu bedelaa qaab-dhismeedkii xubinta taranka oo uu ka dhigo mid qaloocda. Baruurtaas caddaanka ah waa mid adag oo saameyn ku yeelanaysa muruqyada xubinta oo ku keeni karta in uu sifiican …
Duxda/subag badan hadii aad qaadatid waxa dhici kara xanuuno sida beer-subag,xanuunada wadnaha iyo dhiikar. Beer-subag. Bile-maadada la yidhaahdo oo beerka laga soo daayo ayaa burburiya subagga, beerku marka u sifiican u shaqayn waayo waxa dhiigga lagu soo daayaa xaddi badan oo subag ah oo ku samaysma xidida halbowlayaasha ah ee wadnaha iyo qaybaha jidhka. Beer-subaggu waxa uu dhacaa marka subag-badan …
Waa maxay faa’iidada xulbada (Fenugreek) ee cajiibka ah? Xulbada waa geed caleemo cagaaran oo ubaxyo yaryar oo cad cad leh, iyo welibana miro dahab u eg midab ahaan. Magaca cilmiga saynis ee xulbada loo yaqaano waa (Trigonella foenum-graecum). Kumanaan sano ka hor ayaa la ogaaday waxtarka caafimaad ee xulbada ee ka duwan, waxaana si gaar ah loogu daaweyn jiray cudurada …
Caafimaadka iyo badqabka ciyaartoygu waa muhiim si uu unoqdo qof maskax ahaan caafimaad-qaba jidh ahaana bad-qaba. Cunida cunto-sax ah oo isku dheeli tiran,ka kooban 4 cunto ee kale ah :- Afartan cunto waa afarta aas-aaska u ah cuntooyinka iyo nafaqooyinka. 2. BADQAB DHAMAYSTIRAN . Si loo yareeyo xanuunada kusoo boodada ah waa in ciyaartoygu uu maro shaybaadho xaaladiisa caafimaad ka …
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa aspartame ku dartay liiska maaddooyinka sababa kansarka, maadadaas oo lagu daro cabitaano kala duwan waxaana kamid ah cabitaanka shirkadda Coca Cola ee loo yaqaan Diet Coke, Coke Zero, Pepsi Max, iyo 7 Up Free. Balse waxaa la sheegay in hadii aspartame loo isticmaalo qiyaasta loogu tala galay maalin kasta, inay yareynayso khatarta kansarka, haddiise …